Naadiga Arsenal ayaa dalab dhan 15 milyan oo gini u dirayso ciyaaryahanka weerarka wadanka Spain Adrian Lopez.
Sida ay qortay jariiradda Daily Mail Tababaraha Arsenal Arsen Wenger ayaa doonaya inuu lasoo wareego ciyaaryayah weerarka dhexe ka ciyaara marka la gaaro bisha January sanadka soo aadan markaas oo suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada uu dib u furmaayo.
Kadib markii Tababare Wenger uu iska fasaxay weeraryahankiisa muhiimka ahaa Van Persie oo ku biiray kooxda dariska ay yihiin ee Man utd ayaa waxaa haatan uu baadi goob u galay sidiii uu ku keeni lahaa weeraryahan cusub wuxuuna u arkaa Adrian Lopez inuu yahay kii ku fiicnaa booskaas.
Tababraha kooxda Arsenal Arsen Wenger ayaa wakiilo u diraya kulanka Atletico Madrid ay la ciyaarayso Axadda Real Sociedad si ay u soo daawadaan weeraryahan Adrian Lopez.
Arsenal ayaa doonayso inay xoojiso xulkeeda weerarka waxaana Adrian Lopez uu qeyb ka yahay xidigaha ay doonayso inay ku xoojiso kooxda.
Macalinka Arsenal Wenger ayaa la sheegay inuu haysto lacag dhan 35 milyan si uu ugu soo dukaamaysto suuqa isla markaasna kooxda uu kusoo biiriyo ciyaaryahano cusub oo lagu arko sanadka soo aadan waqooyga London.
Adrian Lopez marka laga tago sidoo kale waxay dalab u direen Fernando Llorente oo isna kamid ah kooxda Atletico Madrid.