Sunday, May 19th, 2013

Khasaaraha Weerarkii Masjidka Al-Hidaaya ee Nairobi oo Sii kordhay

Published on December 8, 2012 by   ·   No Comments

Laba qof oo hor leh ayaa u dhintey dhaawacyadii soo gaarey qaraxii lagu weeraray meel u dhaw masjidka al-Hidaaya magaalada Nairbi, taas oo dadka ku dhintey ka dhigeysa shan qof, amaanka ayaa aad loo adkeeyey magaalada Nairobi iyada oo doorashooyinka Kenya ay ka harsan tahay saddex bilood oo keliya.

 

 

 

“laba qof oo horleh ayaa ku dhintey isbitaalka, dhimashaduna hadda waa shan qof” sidaas waxaa warbaahinta AFP u sheegay Madaxa Booliska magaalada Nairbo Moses Nyakwama.

Bobka gacanta laga tuuro ayaa lagu dhuftey meel wax yar u jirta Masjidka al-Hidaya, salaada cishaha kadib maalintii shalay ee Jimcada ahayd, halkaas oo dadku aad ugu badnaa, sida laga soo xiganayo Booliska iyo dad goobjoogayaal ahaa.

Booliska ayaa sheegay in ay u direen xaafadda Islii ciidamo boolis ah oo badan, si loo sugo amaanka sidaas waxaa yiri madaxa Booliska Nairobi.

Booliska ayaa kala cayriyey dhalinyaro caraysan oo jidadka isugu soo baxay fiidnimadii xalay (Jimce), si ay u muujiyaan carada ay ka qabaan.

Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Islii ee ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah, waxaana uu imaanaya xili maalintii Arbacada 5/12/2012 qarax miinada dhulka lagu aaso ah ay ka dhacdey Islii waxaa ku dhintey hal qof halka ay ku dhaawacmeen sideed kale, sidoo kale todobaadyo ka hor ayey ahayd markii Bas nooca rakaabka ah lagu qarxiyey isla xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay kaas oo ay ku dhinteen 9 qof dhaawacuna gaarey in ka badan 25 qof.

Dalka Kenya ayaa dhibane u noqdey weerarada cayn kan oo kale ah tan iyo markii ciidmadoodu galeen gudaha Soomaaliya sanadkii 2011 bishii Oktoober, waxaana ay masuuliyadda qaraxyadan dusha uga tuuraan xarakada al-Shabaab ee Soomaaliya ka dhisan.

Xarakada al-Shabaab ayaa iska fogeeyey masuuliyadda qaraxyadan waxayna ku tilmaameen kuwo la xiriira doorashooyinka Kenya ee ay ka hasran tahay wax ka yar saddex bilood, sidoo kale al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxyadan lagu doonayo in wax loogu dhimo dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Kenya. Inkasta oo al-Shabaab horey wacad ugu mareen in ay gudaha Kenya qaraxyo iyo weeraro ismiidaamin ah ka fulin doonaan.

Codkabulshada
Nairobi Kenya

Readers Comments (0)




SIRTA -NOLOSHA

migrationsverket-somaliska

Sweden Oo Sharciyada U Diiday Dad Sheeganaya In Ay Ka Baxeen Diinta Islaamka Qateyna Diinta Kiristaanka (Daawo Muuqaalkan Naxdinta Leh)!

April, 16, 2013
SUBXAANALLAH Magangalyo doon ka soo jeeda wadanka Iraan ayaa ...
PSY_Swedish_man_reading_Somali_JUMA_KHUT_89634205_thumbnail

Daawo Nin Swedish Ah Oo Hadana Caddaan Ah Oo Qudbo Jimco Af Soomali Ku Soo Jeediyay!

April, 15, 2013
MASHA ALLAH "Horaa Maah Maah U Tiri Nin Aduun ...
531594_4817939095537_2145562898_n

Gabar Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto Ee Dalka Canada(Daawo Muuqaal+Warbixin)

March, 24, 2013
Haweeney Soomaali ah oo ku noolayd dalka Canada ...
v3

DAAWO: Haweeney Soomaali Ah Oo Lesbian Ah Oo Si Xun U Dishay Hooyadii Dhashay Naagti Ay Isqabeen

March, 20, 2013
"XASBIYA ALLAHU WA NICMAL WAKIIL" Haweeney Soomaali ah oo ...
swahiligal

Naag Kenyaanti Ah Oo Ka Hadleeso Diinta Muslimka Waxa Ku Kalifay In Ay Qaadato “Daawo”

March, 20, 2013
Nagtaan  kayeentiga ah ayaa mudo dheer waxay heesatay ...
shiishad-150x150

Daawo Muuqaal Aad & Aad Looga Naxo Haweenka Soomaaliyeed Ee Shiishada Isticmaala Oo Kusoo Badanaya Nayroobi.

March, 18, 2013
Waxaan halkaan idin kugu gudbinayna muuqaal runti ah ...
download

DAAWO MUUQAALKA:-Fadeexadii Ugu Xumeyd Iyo Dhaqan Aan Lagu Aqoon Soomalida Ay Ku Kacayan Ciidamo Ka Tirsan Dowlada!!!

March, 14, 2013
Video Muuqaal ah ayaa laga helay koox ka ...

“Daawo” Sawirka Maanta Iyo Fikradii Amin Arts & Dhamaan Bahda Saxaafada

March, 5, 2013
asdfh

“DAAWO” MUUQAAL Naxdin Leh Nin Xaaskiisii Hore Oo 3-Caruur Ah Uheyso Mindi Nafta Kaga Qaadi Rabay Kadib Markii Aay Diiday In Aay Isku Soo laabtan.!!!

March, 5, 2013
Sida aay Sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Burco ...
soomaaliya

Maxaa isku xalin lanahay maadaama aynu isku Af-nahay iskuna Diin-nahay

January, 18, 2013
Akhiyaarta aynu jecelnahayoow maanta waxaan maqaalkeenaan ku soo ...

raadi