Codkabulshada Media Network (Muqdisho)Alshabaab ayaa sheegtay iney ciidamo xoog leh kala dhex dhigtay labo maleeshiyo beeleed oo dorraad ku dagaallamay deegaan lagu magacaabo Baaldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Alshabaab ayaa sheegay in shalay subax deegaanka Baaldheer uu gaaray waaliga Alshabaab ee Galgaduud Sh. Xassan Yacquub Cali oo wata ciidamo.
Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaad beeleedka dagaallamay ay amar ku siiyeen in qolo walba masaafo 8-km ah dib uga baxdo halkii ay difaaca kaga jirtay, isla markaana dhexdooda la dejiyey ciidamo ka tirsan Alshabaab.
Xassan Yacquub oo ah madaxa Alshabaab ee gobolka Galgaduud oo la hadlay warbaahinta Alshabaab ayaa sheegay in ay hada ku hawlanyihiin sidii qiimayn loogu samayn lahaa dhibaatadii halkaas ka dhacday.
Alshabaab ayaa labada beelood ee dagaallamay oo kala ah Saleebaan iyo Duduble ku amaray iney soo saaraan guddiyo uga qeyb gala wada xaajoodka lagu dhameynayo dagaalkii doraada dhacay oo ay ku geeriyoodeen in ka 20 ruux oo labada dhinac ah.
Waaliga Alshabaab ee Galgaduud Sheekh Xassan Yacquub ayaa sheegay in masuuliyiinta Alshsbaab ee Galgaduud iyo ciidamadoodu ay goobta kusii sugnaan doonaan inta dhibaatadan xal buuxa laga gaarayo.
Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaal lagu doonayo in colaadaas lagu qaboojiyo, iyadoo shalay uu dhacay shir ay ka qeybgaleen waxgaradka labada beelood.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo kasoo jeeda mid ka mid ah labada beeleedo ee dadka iska laayey ayaa sheegay iney xallinta arrintaas u saareen ilaa 22 qof oo beel kasta ay ka socdaan 11 xubnood, mana cadda sida guddiga Xamar laga dhisay ula falgeli karo xalka dagaalkaas, iyadoo Alshabaab sheegeen iney iyagu xal u raadinayaan sidii colaadaas loo dhameyn lahaa.