Codkabulshada Media Network (Garoowe)Cabdi Raxman Sheekh Maxamuud (Faroole) hogaamiyaha lagu kacsanyahay ee Maamulka Puntiland ayaa waxa uu ugu hanjabay ganacsatada ka diiwaan gashan deeganka uu kataliyo in uu tilaabo ka qaadayo hadii ay qarashkooda ku taageeraan Kooxda Shabaab.
Faroole ayaa yiri xilli uu lahadlayay ganacsato uu lakulmay, “Hadii aad ganacsatadiinnu taageertaan Shabaab aniga iyo maamulkeygu ciqaabta aad leedihiin ayaan idinku qaadeynaa”.
Waxa uu intaa raaciyay, “Maaamulkeyga kutaageera lagactii aad Shabaab sii laheydeen”.
Hanjabaada Cabdi Raxman Sheekh Maxamuud ayaa imaaneysa xilli la’aaminsanyahay in Shabaab Saraakiishii ugu sareysay iyo dagaal yahanno badan oo kamid ah ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanada Puntiland kadib markii inta badan koofurta Soomaaliya dagaallo xooggan oo dowlado badan kaqeyb qaadanayaan looga furay.
Hogaamiya Puntiland ee deegaanada uu kataliyo mucaaradid ba’ani uga furantay kadib markii uu shaaciyay in uu kororsaday sanad dheeraad ah oo uu maamulayo ayaa waxa uu bilaabay tilaabooyin uu ku caburinayo dadka deegaanka sida ay qabaan kooxaha diidan waqti kororsigiisa.