Sunday, May 19th, 2013

Wafdi Saraakiil Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Weerar Lagu Qaaday Iyo Al-Shabaab oo Sheegatay

Published on December 2, 2012 by   ·   No Comments

Codkabulshada Media Network (Muqdisho)Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed oo maanta socdaal ku tagay magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in galabta xilli ay dib ugu soo laabanayeen magaalada Muqdisho weerar lagu qaaday.

 

 

 

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose C/salaam Maxamed Cabdulle oo ka mid ahaa wafdiga la socday wasiirka ayaa sheegay in xilli wafdiga wasiirka uu ku sii jeeday degmada Marka ay dhexda u galeen koox hubeysan oo uu sheegay inuu u maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada la socday wasiirka oo isugu jiray ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay iska caabiyeen weerarka ay ku soo qaadeen meel u dhow degaanka Shalanbood, isla markaana ay ku guuleysteen in ay kala ceyriyaan kooxdii weerarka soo qaaday.

“Ma jiro wax khasare ah oo aan aragnay illaa hadda, waxay koox yar oo jidka gashay waana kala ceyrinay” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose oo sheegay in safarka wasiirka uu ku soo gabagaboobay si nabdoon.

Wafdiga wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo ay ku jireen saraakiisha ciidamada dawlada ayaa magaalada Marka kulan kula soo yeeshay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay oo wasiirka arimaha gudaha uu ku tago degmada Marka tan iyo intii dawlada cusub la dhisay.

Dhanka kale weerarka galabta lagu qaaday wafdiga wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa sheegtay ururka Al Shabaab, iyadoo warbaahin ku hadasha afka Al Shabaab ay galabta shaaciyeen in dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab ay fuliyeen weerarkaasi.

Readers Comments (0)




SIRTA -NOLOSHA

migrationsverket-somaliska

Sweden Oo Sharciyada U Diiday Dad Sheeganaya In Ay Ka Baxeen Diinta Islaamka Qateyna Diinta Kiristaanka (Daawo Muuqaalkan Naxdinta Leh)!

April, 16, 2013
SUBXAANALLAH Magangalyo doon ka soo jeeda wadanka Iraan ayaa ...
PSY_Swedish_man_reading_Somali_JUMA_KHUT_89634205_thumbnail

Daawo Nin Swedish Ah Oo Hadana Caddaan Ah Oo Qudbo Jimco Af Soomali Ku Soo Jeediyay!

April, 15, 2013
MASHA ALLAH "Horaa Maah Maah U Tiri Nin Aduun ...
531594_4817939095537_2145562898_n

Gabar Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto Ee Dalka Canada(Daawo Muuqaal+Warbixin)

March, 24, 2013
Haweeney Soomaali ah oo ku noolayd dalka Canada ...
v3

DAAWO: Haweeney Soomaali Ah Oo Lesbian Ah Oo Si Xun U Dishay Hooyadii Dhashay Naagti Ay Isqabeen

March, 20, 2013
"XASBIYA ALLAHU WA NICMAL WAKIIL" Haweeney Soomaali ah oo ...
swahiligal

Naag Kenyaanti Ah Oo Ka Hadleeso Diinta Muslimka Waxa Ku Kalifay In Ay Qaadato “Daawo”

March, 20, 2013
Nagtaan  kayeentiga ah ayaa mudo dheer waxay heesatay ...
shiishad-150x150

Daawo Muuqaal Aad & Aad Looga Naxo Haweenka Soomaaliyeed Ee Shiishada Isticmaala Oo Kusoo Badanaya Nayroobi.

March, 18, 2013
Waxaan halkaan idin kugu gudbinayna muuqaal runti ah ...
download

DAAWO MUUQAALKA:-Fadeexadii Ugu Xumeyd Iyo Dhaqan Aan Lagu Aqoon Soomalida Ay Ku Kacayan Ciidamo Ka Tirsan Dowlada!!!

March, 14, 2013
Video Muuqaal ah ayaa laga helay koox ka ...

“Daawo” Sawirka Maanta Iyo Fikradii Amin Arts & Dhamaan Bahda Saxaafada

March, 5, 2013
asdfh

“DAAWO” MUUQAAL Naxdin Leh Nin Xaaskiisii Hore Oo 3-Caruur Ah Uheyso Mindi Nafta Kaga Qaadi Rabay Kadib Markii Aay Diiday In Aay Isku Soo laabtan.!!!

March, 5, 2013
Sida aay Sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Burco ...
soomaaliya

Maxaa isku xalin lanahay maadaama aynu isku Af-nahay iskuna Diin-nahay

January, 18, 2013
Akhiyaarta aynu jecelnahayoow maanta waxaan maqaalkeenaan ku soo ...

raadi