ciyaar yahan kubadda Dalka Mareykanka looga yaqaan Footballka ciyaari jiray kana tirsanaa kooxa Kansas City Chief ayaa istoogtay kadib makii daqiiqada kahor gabar saaxiiba la’aheyd uu khaarijiyay.
Ninkaan ayaa waxa uu isku toogtay irida garoonka Arrowhead Stadium oo ay leedahay Kansas City Chiefs.
Police-ka ayaa waxa ay sheegeen in Ciyaaryahankan oo lagu Magacaabo Jovan Belcher’s marka hore uu saaxiibtii ku dilay meel dhwor mile u jirta garoonka kahor inta uusan gaarigiisa usoo kexeysan garoonka tababarka kooxda.
Ninkaan ayaa isku khaarijiyay goobta gaarigiisa uu kubaakimay iyada oo ay arkayaan dhaman sarakiisha kooxda uu u ciyaarayay.
Sarkaalka booliska ee Kansas City ayaa sheegay in lagu soo war geliayay in shan mile meel ujirta garoonka lagu toogtay haweeney iyada oo ugu danbeyn la’ogaday in ay tahay ciyaaryahanka isdilay saaxiibtiid.