Tuesday, May 21st, 2013

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in go’aan laga gaarayo goboladii iyo degmooyinkii ay magacowday dowladdii KMG

Published on December 2, 2012 by   ·   No Comments

Codkabulshada Media Network (Muqdisho)Wasiirka arriamaha gudaha ee dowladda cusub ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay markii ugu horeysay in go’aan kama dambeys ah laga gaari-doono goboladii iyo degmooyinkii ay magcawday dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku in Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay arrintaasi go’aan ka gaari-doonaan, isla markaasna uu jiri-doono sida uu yiri nidaam cusub oo loo sameynayo gobolada iyo degmooyinka dalka.

 

 

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha ku saabsan waaxda socdaalka gaar ahaan wararka ku aadan in baasaboorka Soomaaliya uu gacanta u galay dad ajnabi ah iyo saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxaana isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yiri wasiirku “Baasaboorka Soomaaliya waa mid la isku haleyn karo hadda, wuxuuna buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa, markii la i magacaabay goobihii ugu horeeyay ee aan tagay waxaa ka mid ahaa waaxda socdaalka waxaana baaritaan ku sameeyay sida uu u shaqeeyo baasaboorka Soomaaliya iyo eedaymaha loo jeedinayo waaxda socdaalka, waxaana ogaaday in Baasaboorka Soomaaliya uu yahay xilligan mid la isku haleyn-karo”.

Wasiirku wuxuu difaacay dhaqaalaha ka soo xarooda baasaboorka oo uu sheegay in sanduuq gaar ah oo ay dowladdu leedahay ay ku dhacaan, isla markaasna aysan jirin lacago la lunsado, isagoo aan soo hadalqaadin eedaymo horay loogu jeediyey in lacagaha dowladda qaarkood la lunsado, gaar ahaan kuwa baasaboorka.

Dhinaca kale wasiirka mar la weydiiyey arrinta magaalada Kismaayo oo uu muran badan ka taaganyahay maamul u sameynteeda ayaa waxa uu sheegay in Jubbada hoose iyo gobolada kale ee dalku ay isku mid yihiin, isla markaasna loo wajihi-doono maamul u sameynta Kismaayo sida gobolada kale ee dalka loo wajaho, gaar ahaan kuwa soo gala gacanta dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka loo sameynayo Kismaayo ay ka tashanayaan dowladda iyo dadka goboladaasi degan.

Readers Comments (0)




SIRTA -NOLOSHA

migrationsverket-somaliska

Sweden Oo Sharciyada U Diiday Dad Sheeganaya In Ay Ka Baxeen Diinta Islaamka Qateyna Diinta Kiristaanka (Daawo Muuqaalkan Naxdinta Leh)!

April, 16, 2013
SUBXAANALLAH Magangalyo doon ka soo jeeda wadanka Iraan ayaa ...
PSY_Swedish_man_reading_Somali_JUMA_KHUT_89634205_thumbnail

Daawo Nin Swedish Ah Oo Hadana Caddaan Ah Oo Qudbo Jimco Af Soomali Ku Soo Jeediyay!

April, 15, 2013
MASHA ALLAH "Horaa Maah Maah U Tiri Nin Aduun ...
531594_4817939095537_2145562898_n

Gabar Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto Ee Dalka Canada(Daawo Muuqaal+Warbixin)

March, 24, 2013
Haweeney Soomaali ah oo ku noolayd dalka Canada ...
v3

DAAWO: Haweeney Soomaali Ah Oo Lesbian Ah Oo Si Xun U Dishay Hooyadii Dhashay Naagti Ay Isqabeen

March, 20, 2013
"XASBIYA ALLAHU WA NICMAL WAKIIL" Haweeney Soomaali ah oo ...
swahiligal

Naag Kenyaanti Ah Oo Ka Hadleeso Diinta Muslimka Waxa Ku Kalifay In Ay Qaadato “Daawo”

March, 20, 2013
Nagtaan  kayeentiga ah ayaa mudo dheer waxay heesatay ...
shiishad-150x150

Daawo Muuqaal Aad & Aad Looga Naxo Haweenka Soomaaliyeed Ee Shiishada Isticmaala Oo Kusoo Badanaya Nayroobi.

March, 18, 2013
Waxaan halkaan idin kugu gudbinayna muuqaal runti ah ...
download

DAAWO MUUQAALKA:-Fadeexadii Ugu Xumeyd Iyo Dhaqan Aan Lagu Aqoon Soomalida Ay Ku Kacayan Ciidamo Ka Tirsan Dowlada!!!

March, 14, 2013
Video Muuqaal ah ayaa laga helay koox ka ...

“Daawo” Sawirka Maanta Iyo Fikradii Amin Arts & Dhamaan Bahda Saxaafada

March, 5, 2013
asdfh

“DAAWO” MUUQAAL Naxdin Leh Nin Xaaskiisii Hore Oo 3-Caruur Ah Uheyso Mindi Nafta Kaga Qaadi Rabay Kadib Markii Aay Diiday In Aay Isku Soo laabtan.!!!

March, 5, 2013
Sida aay Sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Burco ...
soomaaliya

Maxaa isku xalin lanahay maadaama aynu isku Af-nahay iskuna Diin-nahay

January, 18, 2013
Akhiyaarta aynu jecelnahayoow maanta waxaan maqaalkeenaan ku soo ...

raadi