Codkabulshada Media Network (Baledweyne)Wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayo wasiirka gaashaandhigga dalka Jabuuti Cabdulqaadir Maxamed Kaamil ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Gudoomiye kuxieenka dhinaca siyaasada gobolka hiiraan Cadaawe C/laahi Cilmi ayaa Codka Bulshada u xaqiijiyay imaatinka wafdigan uu hor kacayo wasiirku.
Xubnahan wafdiga ee ka socda dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay kooban yihiin wasiirka wasaaradda gaashandhiga Jabuuti Cabdi kariim Maxamed Kaamil, taliyaha hay’adda nabad sugida dalka Jabuuti Xasan Saciid, abaanduulaha ciidamada Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Jabuuti.
Mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Jabuuti ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ku howlgala magaca AMISOM.
Waxaana wafdiga ka socday jamhuuriyadda Jabuuti loo galbiyay xarunta ay dagan yihiin ciidamada ka socda Jabuuti ee fariisinka ku leh deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada B/weyne.
Wafdigaan maanta gaaray magaalada Baladwayne ayaa marka ay soo dhameeyeen kormeerka ay ku marayaan xarumaha ciidamada Jabuuti waxaa y kulamo la qaaan doonaan masuliyiinta gobolka Hiiraan iyo wax garadka xili saldhigyadii iyo xarumihii dalwadu dhawaan lagu wareejiyay ciidamada Jabuuti.
Maahan markii ugu horaysay ee ay soo gaaraan wafdi ka socda jabuuti iyadoo dhawaan uu gaaray madaxwayanaha soomaaliya xasan iyo wafdi ka socda Jabuuti.