Baarlamanaka wadanka Masar ayaa ansixiyey Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalkaasi yeelan doono xili ay kooxo badan si weyn uga soo horjeesteen Dastuurka qodobo ku jira, waxaana lagu wadaa in ay Qaahira ka dhacaan mudaharaadyo arrintan looga soo horjeedo.
Dastuurka cusub ayaa waxyaabo badan uga duwan kii hore ee dalkaasi lahaa, waxaana kamid ah:
- In Madaxweynaha la dooran karo 2 mar oo kaliya ah midkiiba 4 sano, isugeyna xilka heyn karo 8 sano.
- In dastuurka dalka uu saldhig u yahay Sharciga Islaamka (Shareecada)
-In diimaha rasmiga ah ee la aqoonsan yahay ay yihiin Islaamka, Kirishtaanka iyo Yuhuuda.
- In Shacabka lasoo taagi karo Maxkamad militari ah.
Qodobka ugu danbeeya ayaa kamid ah waxyaabaha uu Madaxweyne Maxamed Morsi uu horey u balan qaaday inuusan kusoo dari doonin Dastuurka, ayadoo uu arrintaasi hada sida muuqata dib uga gurtay, shacabka ayaa kasoo horjeeda maxkamada militariga oo uu horey u adeegsan jiray maamulkii Xusni Mubaarik.
Baarlamaanka Masar ayaa waxaa hada ugu awooda badan Xisbiga Akhwaanu Muslimiin, cod u qaadista Dastuurkan ayaa la dadajiyey ayadoo laga cabsi qabay in Dastuurkan ay ka hortagaan kooxaha mucaaridka ah oo ayagoo shalay xildhibaandooda diideen inay kasoo qeyb galaan codbixinta Baarlamaanka.
Kooxaha mucaaridka ayaa sidoo kale kasoo horjeeda qodobada awooda dheeraadka ah siinaya Madaxweynaha.
Maanta oo Jimce ah ayaa lagu wadaa salaada kadib in magaalada Qaahira isugu soo baxaan kumanaan ka careysan Dastuurkan cusub.
Codkabulshada Media Network
News Desk