Waxaa lagu soo war galiyay qoyska ay ka dhalatay gabar reer Masar oo in muddo sadax maalin la la’aan inay geeriyootay, waxaana ay u sameeyeen alla bari baroor diiq ah oo ay ugu duceynayaan gabartooda geeriyootay ama tacsi maadama gabarta lagu sheegay inay geriyootay.
Reerka ay ka dhalatay gabartaan oo da’ahaan jirtay 35 sanno inay geeriyootay kadib markii ay la’aayeen in ka badan sadax maalin, isla markaana waxaa sidoo kale loo sheegay in ciidamada Police-ka ee dalkaasi ay gacanta ku soo dhigeen sadax nin oo looga shakisan yahay inay iyaga dilka u geysteen gabartaan.
Gabadhan ayaa la sheegay in dhimirka ay la’eeyd xanuuno nafsani ahna ay hayeen ,raggan ayaa la sheegay in ay kufsadeen gabadha kadibna ay dileen sida loo soo wariyay qoyska gabdha dhalay.
Kadib markii uu soo baxay Aqbaarta ku aadan in gabdhaasi geeriyootay ayaa Qoyska ay ka dhalatay gabadha waxa ay abaabuleyn munaasabad loogu tacsiyeeynayo gabadhooda dad aad u farabadanna ay soo booqday guriga haweeneeyda ay ka baxday.
Dadka ayaa uga tacsiyeeynayay reerka ay ka dhalatay gabadha geerideedaa la soo sheegay ,hasa yeeshee waxaa layaab ku noqotay dadkii tacsidaasi ka qeeyb galayay ka dib markii uu soo galayay Guriga nin Pooliis ah ah oo gacanta kahayo gabadhii geerideeda la soo sheegay isla markaana loo fadhiyay tacsideeda.
Dadka ka qeeyb qaadanayay tacsida ayaa yaab iyo ama kaag waxa ku noqday in gabadhii aay tacsideeda ka qeeyb galayeen iyada oo nool albaaba uga soo gasho, isla markaana dadka qaar ayaa cararay daadka qaarna aad ayay u farxeen halka qaarna waxaa ka boodeen dariishadaha guriga waxaana soo gaaray dhaawacyo.
Abdifitaah Ali
Baadidoonsom@gmail.com