Thursday, May 23rd, 2013

Ma aamini doono nin dambe oo Soomaaliyeed qiso dhab ah oo ka dhacday Talyaaniga

Published on November 11, 2012 by   ·   No Comments

Waxaa lagu jiraa xiliga dalka talyaaniga ugu qoraxda badney ee oo ay cadceedu si aad ah u kulushay dhamacda iyo falaaraha cadceeda ayuu qof waliba dareemaya dhinbilaheeda iyo shucaaceda. Qof walibana waxa uu aad ugu mashquulsanaa in uu iska masaxa dhididka faraha badan ee qoraxdu keentay, isla markaana habeenkii waxaa jirta dhaxan aad u daran oo noolaha uusan awoodin inuu banaanka jeexdo.

 

 

 

Waxaa jiray wiil iyo gabar Soomaaliyeed oo ka soo hayaamaya dalkeena Soomaaliya isla markaana soo maciin biday inay nolol dhaanto ka helaan Qaraadda Yurub oo ay u soo haajiraan muhaajiriin fara badan sanad kasta, Gabartaan oo aan magaceeda ku soo gaabinay Xamdi iyo Faarax waxaa ay isku guursadeen dalka Liibiya horaantii sanadkaan oo ay soo gaareen ee 2012-ka.

Waxaana caado ka ah dalka Liibiya markii la soo raacaya doonida inay lamaanayaasha kala raacaan labo doonyood oo kala gooni gooni ah si ay u kala bad baadaan haddii ay doonida la dagto, hase yeeshee Faarax iyo Xamdi waxey go’aa ku gaareen inay kala raacaan labo doonyood oo ku wajahan dalka Talyaaniga.

Faaraxa ayaa soo raacay dooni watay tahriibayaal oo ku soo jeeda dalka Talyaaniga nasiib wanaag waa uu soo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga waxaana soo bad baadiyay ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ee loo yaqaano Guardia di Finanza oo soo gaarsiiyaya xarunta gar gaarka deg dega ee ku taalla Laambaduusa, kadibana waxaa loo qaaday kaam ku yaalla Gobollka Sicilia gaar ahaan nawaaxiga Magaallada Catania halkaasoo uu ku sugaya sharciga.

Iyadoo aad ugu faraxday Xamdi inuu seygeeda ka bad baado biyaha madoow ee u dhaxeeyo dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayay soo raacday dooniddii ku xigtay oo ay iyadana soo gaartay xeebaha dalka Talyaaniga, isla markaana waxaa loo kaxeeyay xero kale ee ku taalla Gobollka Sicilia gaar ahaan CATANISTA halkaasoo ah xero lagu sugo sharciyada.

Waxaa ay horey u kala qaateen lamaanahaan is qaba ciwaanada Hotmailka oo ay ku kala qaateen Telefoonada isla markaana sameeyay xiriiro dhowr ah, waxaana ay Xamdi aad u jecleysatay inay seygeeda soo booqato masuuliyiinta kaamka ayay ka codsatay fasax waana loo diiday, hase yeeshee Xamdi waa ay ka dhaga adeegtay go’aanka masuuliyiinta waana ay aaday xajigeeda.

In muddo ah kadib ayay Xamdi ku soo laabatay Kaamkii ay ku jirtay oo ay sharciga ku sugeysay waxaana la siiyay digniin kama dambeysa ah oio loo sheegay haddii ay ka maqnaato maalmo dambe kaamka in la dhigi doono banaanka, balse Xamdi waa ay ka dhaga adeegtay go’aanka masuuliyiinta Kaamka waa ayna aaday mar labaad seygeeda.

Ugu dambeyntii Xamdi waxaa ay la soo qaadatay maalmo xaajigeeda waxaeyna dib ugu soo laabatay Kaamkii ay ku jirtay oo ku Yaalla magaalada CATANISTA, waxaa is hor istaag ku sameeyay askarta ilaalada kaamka oo u sheegay inay jabisay axdiga u yaalla Kaamka kadibna u sheegay inay kaamka ka joogta Banaanka oo ay sharcigeeda ku sugta banaanka kaamka, waxaana ay Xamdi xiriir la sameysay xaajigeeda Faarax oo ay u sheegtay waxaii dhacay halkii uu la murugoon lahaa ayuu jawaab uga dhigay aniga meel aan ku geeyo ma hayo ee waad furantahay!!! Alla arxad daranaa ragga Soomaaliyeed qaarkood oo dumarka ula dhaqmo waxii ay doonaan, waxaana gabartaani go’aansatay inay iska aado Magaalada Palermo oo ay ka raadsato goob ay jiifato waxaana siiyay guri ay ku sugta sharcigeeda gabadhaan Soomaaliyeed ee dhibanaha ah gabdho kale ee Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Palermo ee magaallo madaxda Gobollka Sicilia.

Abdifitaah Ali
Baadidoonsom@gmail.com

Readers Comments (0)




SIRTA -NOLOSHA

migrationsverket-somaliska

Sweden Oo Sharciyada U Diiday Dad Sheeganaya In Ay Ka Baxeen Diinta Islaamka Qateyna Diinta Kiristaanka (Daawo Muuqaalkan Naxdinta Leh)!

April, 16, 2013
SUBXAANALLAH Magangalyo doon ka soo jeeda wadanka Iraan ayaa ...
PSY_Swedish_man_reading_Somali_JUMA_KHUT_89634205_thumbnail

Daawo Nin Swedish Ah Oo Hadana Caddaan Ah Oo Qudbo Jimco Af Soomali Ku Soo Jeediyay!

April, 15, 2013
MASHA ALLAH "Horaa Maah Maah U Tiri Nin Aduun ...
531594_4817939095537_2145562898_n

Gabar Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto Ee Dalka Canada(Daawo Muuqaal+Warbixin)

March, 24, 2013
Haweeney Soomaali ah oo ku noolayd dalka Canada ...
v3

DAAWO: Haweeney Soomaali Ah Oo Lesbian Ah Oo Si Xun U Dishay Hooyadii Dhashay Naagti Ay Isqabeen

March, 20, 2013
"XASBIYA ALLAHU WA NICMAL WAKIIL" Haweeney Soomaali ah oo ...
swahiligal

Naag Kenyaanti Ah Oo Ka Hadleeso Diinta Muslimka Waxa Ku Kalifay In Ay Qaadato “Daawo”

March, 20, 2013
Nagtaan  kayeentiga ah ayaa mudo dheer waxay heesatay ...
shiishad-150x150

Daawo Muuqaal Aad & Aad Looga Naxo Haweenka Soomaaliyeed Ee Shiishada Isticmaala Oo Kusoo Badanaya Nayroobi.

March, 18, 2013
Waxaan halkaan idin kugu gudbinayna muuqaal runti ah ...
download

DAAWO MUUQAALKA:-Fadeexadii Ugu Xumeyd Iyo Dhaqan Aan Lagu Aqoon Soomalida Ay Ku Kacayan Ciidamo Ka Tirsan Dowlada!!!

March, 14, 2013
Video Muuqaal ah ayaa laga helay koox ka ...

“Daawo” Sawirka Maanta Iyo Fikradii Amin Arts & Dhamaan Bahda Saxaafada

March, 5, 2013
asdfh

“DAAWO” MUUQAAL Naxdin Leh Nin Xaaskiisii Hore Oo 3-Caruur Ah Uheyso Mindi Nafta Kaga Qaadi Rabay Kadib Markii Aay Diiday In Aay Isku Soo laabtan.!!!

March, 5, 2013
Sida aay Sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Burco ...
soomaaliya

Maxaa isku xalin lanahay maadaama aynu isku Af-nahay iskuna Diin-nahay

January, 18, 2013
Akhiyaarta aynu jecelnahayoow maanta waxaan maqaalkeenaan ku soo ...

raadi