Codka Bulshada Media Network

Kismaayooy Hadaad Kuwa Dhibka Kugu Wada Iska Qaban Weysid Kurbo & Kadeed Ayaad La Kali Noqon Doonta (Faalo Dhinacyo Badan taabanaysa) !!!
Hogaamiyaha Kooxda Raaskanbooni Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa soo food saartay Siyaasad xumo iyo jahwareer uusan fileenin ka dib markii Siyaasadii ama Kubadii uu mudada dheer ciyaarayay uu ka dhiiqeeyay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.

Sheekada iyo Siyaasada ka taagan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay isku badashay (Midi midi ku taag) taas oo la wada ogsoon yahay halka ay caga dhigan doonto (Dagaal iyo bur bur ka dhaca Jubooyinka). Axmed Madoobe siyaasad ahaan waxaa hor boodeeysa dawlada Kenya balse magaalada Kismaayo luuq ka luuq waxaa ku xoogan Taageerayaasha Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.

Ciidamada Kenya iyo Kooxda Raaskanbooni oo magaalada Kismaayo aanan weli qabsan ayaa inta badan dadka ka faalooda Siyaasada Soomaaliya waxa ay sheegeen Sheekh Axmed Madoobe inuu yahay wadaad siyaasada Somaliya ku cusub oo marnaba aanan yeeli doonin in nin kale uu ka soo baxo ama loo doorta jagada ugu sareeysa ee gobolka Jubooyinka .

Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo inta badan ku qaraabto magaca Dawlada waliba gobolkaas ay kaga dhinteen ciidamo fara badan intii uu la dagaalamayay Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa iminka shaqsi ahaan wuxuu Sheekh Axmed Madoobe u arkaa wadaad xukun doon ah oo hadana si qaldan wax ku raadinaya.

Hogaamiyaha ururka Raaskanbooni Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) oo god-kiisa ay biyo ugu soo galeen waxa uu Siyaasad ahaan aad ugu fududaaday sheegashadii Madaxweynaha cusub ee Jubaland State maxaa yeelay tani waxeey guul iyo foowdo cusub u noqotay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo yaqaan sida wax loo foowdeeyo lugtana loogu walaaqo meel uusan ku jirin madaama uu yahay hogaamiye kooxeed hore.

Bal fiiri xaqiiqada Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo degmooyin kale ku maqnaa dagaalna kula jiray Maleeshiyaadka Al Shabaab kuwooda ku harsan deegaanada uu ka soo jeedo ayaa waxaa mar quraa u yeertay kuna amray inuu Kismaayo yimaado odayaal ka soo kala jeeda Beeshiisa iyo kuwo kale oo ka soo carooday Siyaasad xumida Axmed Madoobe oo qofkii amarkiisa diida shirka ka saarayay.

Hogaamiyaha ururka Raaskanbooni Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) iyo dawlada Kenya siyaasad ahaan hadaad fiiriso mida kaliyah ay kaga guuleeysan kareen garabka Barre Hiiraale waxa ay eheed in aanan la dooran Axmed Madoobe oo taas badalkeeda la doorto Siyaasi kale oo ay labadaas dhinac wataan balse hoos laga maamulo.

Xaalka Juubooyinka ayaa iminka faraha ka sii baxaya waxeeyna inta badan Taageerayaasha Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda aad ugu xoogan aaminsan yihiin inuu Aadan Madoobe wado sad bursi waqtigiisii mar hore laga soo gudbay uuna bidayo awood uusan leheen taas oo ah dawlada Kenya iyo ciidamadeeda.

Dagaal hadii uu ka dhaco magaalada Kismaayo waxaa mid iyo qori isku soo xaadirinaayo Taageerayaasha Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo 3 Qabiil oo kale oo la midoowday garabka Barre Hiiraale. Dawlada kenya oo faraha kala bixi weeysay arimaha Jubooyinka waliba u deeyn weeysay dhiigeeda dawlada Somalia ayaa iminka waxa ay Kenya quus ka taagan tahay xaalka Kismaayo halka uu ku dambeeyn doono.

Isku soo duubo ciyaarta ka socota magaalada Kismaayo ayaa moodaa mid bilow ah oo waji cusub gashay balse niyad jab xoogan uu ka qaaday Hogaamiyaha ururka Raaskanbooni Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) oo laga ag dhisay 2 Madaxweeyne oo isaga aanan ka amar qaadan .

Dadka qaarkiis ayaa isha ku haya Maleeshiyaadkii Al Shabaab ee magaaladaas iyo inta badan Jubooyinka laga saaray oo Duur duurka ku jira kuwaas oo Kaneeco ay ku cuneeyso keeymaha ama hoowdka waxeeyna sugayaan Jaanis yar oo ay isku fara saaraan Taageerayaasha Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo kuwa Hogaamiyaha ururka Raaskanbooni Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe).

Shabkada Warqabadka Codkabulshada.com

Xafiiska Linköping Sweden

Codkabulshada.com@gmail.com

Daawo Barnamij Looga Hadlaayay Marxalada Uu Dalka Maraayo Oo Dhex Martay Siyaasiyiin Soomaaliyeed Oo Khibrad Dheer U Leh Marxaladihii Uu Dalka Soo Maray
Waxaan halkaan idin kugu soo bandhigayna dood ka dhan ah mooshinka xukuumada Soomaaliya.

Doodaan ayaa kusaabsan mooshinka laga keenay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhexmartay laba siyaasi oo xildhibaan iyo xilal kale kasoo qabtay xukuumadihii kumeel gaarka ahayd.

Doodaan ayaa waxaa ka qeyb galaya  xilidhibaanad Amina Maxamed Mursal iyo xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur.

Labadaan siyaasi ayaa ah kuwo aad khibrad dheer ugu leh arrimaha Somalia waxayna horay uga soo shaqeeyeen xukumadihii kumeel gaarka ahaa ee wadanka Soo maray.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Doodan Qiimaha Leh

Shabakada Warqabadka Codkabulshada.com

Codkabulshada.com@gmail.com

Xasan Daahir Aways Oo Warsaxaafadeed Kasoo Saaray Khilaafka Al-shabaab.!!!
Xasan Daahir Aways oo kamid ah Hogaamiyaasha Kooxda Mayalka adag ee Al-shabaab ayaa Caawa oo Khamiis soo galayso shaaciyay khilaaf  ba’an inuu u dhexeeyo Saraakiisha Kooxda.

Waxaa uu sheegay  Xasan dahir aweys  in uu jira Khilaaf  kaasoo sababay in loo gudbiyo warqad Ashtako ah Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab ninka lagu Magacaabo Axmed Cabdi Godane.

War saxafadeedka uu soo saaray  Xasan Daahir aweys oo ka hadlaya arimo badan siiba kuwa gudaha iyo debeda Somaliya.

Waxaan doonayaa maanta inaan ka hadlo xaalada dadkeena iyo dalkeena oo meel adag oo xasaasi ah mareysa, wax yaabaha aan ka hadlayana waxa ugu wayn laba arimod oo kala ah Arimaha dibada iyo kuwa gudaha.

Xaga gudaha waxaan si weyn diirada u saari doonaa arrimaha dhexdeena ah, Sida ad ogtihiinba dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay ahmiyad gaar ah oo ah halka uu dhaco Juqraafi ahaan.

Sidoo kale waxaan nahay muslimiin ahlu suna ah oo ah difaaca koowaad xagga koonfureed ee Xarameynka, musliminta dagta geeska Africa oo boqolkiba 80% ku dhow waxaan u nahay garab ay dugsadaan.

Arimahas iyo kuwa kale oo leysku geeyey ayaa waxay sababeen inuu cadowga na beegsado oo nagula soo qaado duulaamo isdaba joog ah Marka wa inaan isweydiinaa yaa cadow u ah ummadan yaase gacal u ah?

Waxa la wada ogyahay in umadda cadowgeedu yahay Yahuuda iyo nasaarada sida uu ALLAH kitaabkiisa Qur’aanka noogu sheegay, iyadoo cadowgaas maanta ay horkacayaan wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska kuwaasoo ah kuwa kala googooynaya horayne u kala googooyey wadamada islaamka Sida Somalia o ay u qeybiyeen shan qeybood, Falastiin, Keshmiir, Suudan iyo Miyannaar oo dhamaantoodba dad muslimiin ah ku dhibateynayaan gaaladu.

Waxaa ugu dambeeyey dhibaatooyinka ay nagu hayaan shirqoolkii shir ku sheega aha ee dhawaan lagu qabtay dalka Ingiriiska tan kale dhaqaalaha ay Soomaaliya ugu yaboohayan waxaad ogatan in yabooha ay dhaafsanayaan mawaaqif iyo masaalix ay ugu adeegayaan danahooda gaarka ah kamana run sheegaan, wax yar ee ka dhaboobana waxay dib ugu laabtaan jeebkooda si xirfadeysan.

Runtiina umaddana waan uga digeynaa inaysan ku kadsoomin shirqolkaas uu cadowga maleegayo.

Waxaan raba inaan adkeeyo in erayada ay isticmalayaan ee ah aqoonsiga dib u dhiska iyo wixii la mid ah inayan waxba ka jirin oo ay tahay wax ay ku tala galeen inay ku baneystaan kheyraadka dalka.

Waxaan kaloo codowga umadda ka mid ah kuwa daba dhilifyada ah oo dowladdda federaalka ah oo anaga aan u naqano inay tahay dowlad ridda ah, waxaana umadda waajib ku ah inay ridaan dowladaas badalkeeda ay dhistaan dowlad islaami ah oo umada ku dhaqda shareecada islaamka isla markaana shuura leh oo ay ku mideysan yihin dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

Intaas kadib umadda mar haddi ay ogaatay cadowgeeda dhanka kale wa inay gartaan cidda u gacalka ah oo ah culimada oo ay ugu horeeyaan Mujaahidinta.

Mujahidinta runtii ahmiyad gaar ah ayey leeyihiin iyagana waxay ka dhasheen dacwadii mudada la soo waday ee ay horkacayeen Xarakaadka Islaamiga ah, marka aan ka soo gudubno maxkamidihii Islaamiga oo runtii ahaa waxaa ugu wayn oo isu keenaya mirahaas dacwada waxaa xigay oo la is dhihi karo waa dhameystirtay isu keenidii mirahaas arin weyn oo aheyd Midowgii Xarakada Al-shabaab iyo xisbul islaami oo ay umaddu aad ugu faraxday lagana filayey inay ka soo baxdo awood mideysan oo cadowga lagala hortago.

Balse natiijadii ay noqotay taa mid aan aheyn, arintaasina sababteeda waxaa iska laha hal ruux oo la kali noqday masiirkii umadda, taasoo keentay inay mujaahidintu daciifaan, cadowgiina uu ku soo dhiirado kana saaro dhulka intii badneyd ee muslimiinta gacanta ugu jiray, waxa kaloo ka dhashay la kali noqoshadas laba arimood oo waaweyn oo kala ah.

1) Shareecadi umaddu ay ku mideysned oo hoos loo dhigay waxaana arinkaas micnihiisu yahay in markii leys qabto oo la yiraahdo shareecada ha loo noqdo ay ka madax adeegto cidda la kali noqotay masiirka umadda iyo in leysku qalday manhajkii rasuulka scw iyo siyaasadii Miikaaderiyada (Al-Qaayatu Tubarirul Wasiila) manhajka ama dariiqa rasuulka waa inaad waxaa wanaagsan ee aad dooneyso u martaa dariiq wanagsan, halka MIIKAADERIYADA ay qabto waxaa aad dooneyso u mar dariiqa aad doonto (Al-daruuratu tubiixul maxduuraat) Marka ay taasi dhacday oo laga madax adeygay in loo laabto kitaabka ALLAAH waxaa bilaabatay in leyska hor yimaado halkaana uu ka dhaco in la daadiyo dhiig aan banaaneyn wax lagu daadiyey oo la garanayana aanay jirin, dhanka kalana ciddi ka hadasha arrimaha dhacaya laga dhigo mid la eryo, mid la dilo, mid xabsi la dhigo iyo mid la tuhmo oo la suurad xumeeyo, arintaa oo keentay in dad badan ay dib uga baxaan qadiyadii oo markaas koox yar la kali noqoto masiirka ummada Soomaliyeed, Waxaa kaloo aan ummada u cadeynaya arinta dadka mujaahidnta lagu baacsanayo Bay iyo Bakool oo dhiigooda la baneysanayo inay tahay arimaha Qatarta ah ee jira oo xitaa fatwadi ay culimadu ka soo saareen aysan jirin cid maqashay, illaa haddana lagu howlan yahay in la dilo rag mujaahidiin ah oo Somalia u yimid inay u gargraan walaalahoda musliminta ah, waxaana loo baahan yahay in la is weydiiyo haddii ay arintaan fatwadi ay culimada ka soo saareen celin weyday maxaa celinaya?

2) Sidoo kale waxaa muhiim ah inay umaddu ogaato in cidda la kali noqotay masiirka umadda ay meesha ka saartay shuuradii ama wadatashigii iyadoo la ogyahay ahmiyada ay diinta islaamka siisay shuurada iyo booska ay ka joogto, markii ay shuurada meeshii ka baxday waxaa ka dhashay in ummadu ay kala daadatay oo ay bilowday in cadowga loo jilicsanaado.

Dadka mujaahidinta ah iyo ummada muslimiinta ah waxaan kula dardaramaya in ay qaataan waajibka uu ALLAH saaray fuliyaana saddex arimood oo kala ah:-

1-Inay kor u qaadaan shareecada Allah

2-Nidaam shuura ku dhisan

3-iyo Maamul wanaagsan sidaa ayeyna ku jirtaa maslaxada umada Soomaaliyed.

Mujaahidinta hubka u qaatay inay la dagaalamaan gaalada iyagana waxaan ku adkeynaya inaysan hubkoda ku soo jeedinin walaalahood iyo inaysan qaadanin awaamirta qaldan ee la siinayo oo ah inay daadiyaan dhiig qof walaalkood ah haddii ay sidaas dhacdo oo ruuxa mujaahidka ah fuliyo xitaa hadduu doono ha ahaado macaasi iyo inuu daadiyo dhiig qof kale oo muslim ah, ruuxas wuxuu qasaarayaa adduun iyo aakhiro lagumana adeecayo qof mas’uul ah macaasida ALLAH sida ku cad diinteena islaamka arinkaas waxa cadeynaya nusuus sharci ah in aan qofna lagu adeeci karin macaasida ALLAH.

Tusaale arinkaasi waxa nooga filan markii ciidamada mujaahidinta Bay iyo Bakool loo jeediyey inay dagaal ku qaadaan rag muslimiin ah oo walaalahood ah markii ay taasi dhacday ayaa waxa maleeshiyaadkii ku sugnaa Bay iyo Bakool ay bilaabeen inay degaanadaas ku soo faafaan oo ay ku kacaan falal burcadnimo oo ay ku boobayaan hantida umadda taasina waxay ka dhalatay markii ciidamadii mujaahidiinta ee cadowga hortaagna loo weciyey dhanka walaalahood sidaa ayuuna cadowga uga faa’iideystay.

Waxaa kaloo laga maarmaan ah in umadda loo cadeeyo inaysan ku noolaan karin qof  kaligii taliye ah taladiisa isla markaana aanu samata bixin karin umadda shakhsi yiraahda wax waliba anigaa ah, anigaa dowlad ah, anigaa culimo ah, anigaa ra’yigeygu saxan yahay iyo iwm.

Sidoo kale waxaan sheegeynaa inuu jihaadka yahay maanta waajib ceyni oo saaran qof  kasta oo muslim ah, sida salaada mana jirto cid is hortaagi karta jihaadka umadda ay ku jirto.

Arinta kale ee aan donayo in umadu u soo gudbiyo ayaa waxay tahay in dadka musliminta Soomaaliyed ay jihaadka meshooda ka wadaan anigoo uga digaaya inay is dhiibaan waayo umad kasta oo aan dagaalamin way dullowdaa, waxaana ugu baaqaya ummada in laga wada qeyb qaato jihaadka ka socda Somalia.

Dhanka kale, waxaan hubaa in ay gaaladu ku jabayaan dagaalka ka socda Somalia umadda msuliminta ahna ALLAAH ayaa u gargaaraya, gaalada waxay qirtein lixdii sano ee la soo dhaafay inay Somalia kaga dhinteen ciidamadoda illaa saddex kun oo askari, taasoo guul u ah ummada Somaaliyeed sidoo kalana iyagoo duleysan ayey ka bixi doonaan Somalia INSHA ALLAH Sidii Mareykankaba uga baxeen Somalia, anagana waxaan gaarsiin doonaa gaalada in mar dambe aysan nagu soo duulin.

Waxaan marwalba  idinku boorinaya in aad labo labo qof, koox koox, boqolaal iyo kumanaanba isugu xirantaan oo ad iska celisan gaalada nagu soo duushay.

Tvga Somali Channel ayaa waraystay Xasan Daahir AWays

Shabkada Warqabadka Codkabulshada.comm

Xafiiska Linköping Sweden

Codkabulshada.com@gmail.com

Hogaanka Socdaalka Dalka Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmamay In Garoon Soomaaliyeed Ay Xiri Karto Jabhad Iyo Wax Lamid Ah.
General C/laahi Gaafoow, Taliyaha hogaanka waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xirnaanshaha kooxda Raaskanbooni ay ku sameeyeen garoonka diyaaradha ee magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiri karto Garoomada diyaaradaha dalka guud ahaan ayna furi karto hasa yeeshee howshii dowlada aysan qaba Karin jabhad iyo cid kasta oo ka soo harta maamulka dowliga ah.

Gaafoow ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga doonayo in sida ugu dhaqsaha badan ay wax uga qabato arimaha ku aadan dhibaatada hawada isku sii shareereysa ee ka taagan Magaala xeebeedka Kismaayo ee xarunta Gobalka J/Hoose.

Hogaanka waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa waxa uu daaha ka rogay in mawaadiniin doonaya in ay duulimaad ku tagaan Kismaayo ay joogaan oo waliba wata tikadhadii hadana aysan tagi karin Magaalada oo ay ka hor taaganyihiin kooxda Raaskanbooniyiinta.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo diiday shacab, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed arintaas oo noqotay mid ay liqi waayaan Soomaalida iyada oo arintii ugu danbeysay ee Raaskanbooniyiintu sameeyeen ay dhacday maalintii shalay aheyd kadib markii diyaarad dooneysay in ay caga dhigato garoonkaasi dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Shabakada Warqabadka Codkabulshada.com

Xafiiska Muqdisho Soomaaliya

Codkabulshada.com@gmail.com

Canada Oo Soo Celineysa Xiriirkii Diblomaasi Ee Ay La Laheyd Soomaaliya
Dowladda Canada ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqday inay soo celineyso xiriirkii diblomaasi ee ay la  laheyd Soomaaliya, kaddib in ka badan 20 sano oo xiriirka labada dal uu ahaa mid aan fiicneyn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada John Baird ayaa ku dhawaaqistan ka sheegay kulan shalay uu magaalada Nairobi kula qaatay Augustine Mahiga, ergeyga gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Dowladda Canada waxay war qoraal ah ku sheegtay in David Angell, oo ah danjiraha Canada u fadhiya dalka Kenya sidoo kale loo magacaabi doono danjiraha Canada u qaabilsan Soomaaliya.

Xiriirka diblomaasi ee Canada ay la laheyd Soomaaliya ayaa go’ay 1990 kaddib markii dalka uu ka qarxay dagaalka sokeeye.

Wasiirka arrimaha dibadda Canada John Baird iyo Mahiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarka siyaasadda ee ka dhacay Soomaaliya sanadkii tegay iyo yagleelidda dowladda cusub oo ay ku tilmaameen in ay tahay “mid loo dhan yahay oo mas’uul ka ah masiirka ummadda Soomaaliyeed’.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso marxalado adag ayna u baahnaan doonto taageerada beesha caalamka.

Tallaabada dib u soo nooleynta xiriirka Canada ay la laheyd Soomaaliya ayaa imaanaysa wax ka yar hal bil markii dowladda Britain ay safaarad cusub ka furatay Muqdisho. Britan ayaa diblomaasiyiinteeda kala baxday Muqdisho muddo haatan laga joogo 22 sano.

Tallabadan ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa hal toddobaad kaddib shir weynihii London lagu qabtay ee looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ka qeyb-galeen wakiillo ka kala socday 50 dal iyo ururro caalami ah.

Canada waxaa ku nool Soomaali tiradooda lagu qiyaaso 170 kun oo ka cararay colaadda iyo gaajada ka taagan dalkooda

Shabakada Warqabadaka Codkabulshada.com

Xafiiska Nairobi Kenya

Codkabulshada.com@gmail.com

War Deg Deg Ah: Qarax Miino Oo Nabadoon Caan Ah Iyo Ilaaladiisa Ay Ku Geeriyoodeen Oo Ka Dhacay Muqdisho
Wararka laga helayo Isgoyska Kaasa Bal-balaara ee degmada Hodon ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay xaqiijinayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino loo adeegsaday oo lala eegtay gaari uu watay nabadoon Soomaaliyeed.

Gaariga  qaraxa lala eegtay ayaa guud ahaanna bur-buriyay waxaa ku dhintay nabadon Cartan sheikh Doon iyo ruux la sheegay in uu ilaala u ahaa iyada oo dhaawacyana ay jireen.

Sidoo kale Warar ayaa sheegayaa in Nabadoonka uu dhintay daqiiqado uun kadib markii loola carary goobaha caafimaadka si wax looga qabto dhaawac halis ah oo miinadu gaarsiisay.

Cartan sheikh Doon ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu kamid ahaa masuuliyiinta Ahlusunna ee gobalada dhexe.

Wixii Warar ah ee ku Saabsan Qaxarahaas Kala Soco Wararka Soo Socda Insha Allah .

Shabakada warqabadka Codkabulshada.com

Xafiiska Muqdisho Soomaaliya

Codkabulshada.com@gmail.com

Daawo Waraysi Xasaasi Ah Oo Feysal Cali Waraabe Lala Yeeshay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Somaliland Eng Feysal Cali Waraabe oo baryihii ugu danbeeyay uu mad madow siyaasadeed soo kala dhex galay Masuuliyiinta talada haya Maamulka , ayaa ka hadlay arimo farabadan oo ku saabsan Siyaasada Somalida.

Feysal Cali Waraabe oo Waraysi siiyay Tvga SomliChannel ayaa waxaa uu sharaxayaa kulankii uu la qaatay Xasan Sheekh Maxamuud iyo arimo kale.

Halkaan Hoose ka Daawo Wareysigaan Oo Qosol Badan & Fikrada Ku Jirta Ninkaan.

Shabakada Warqabadka Codkabulshada.com

Xafiiska Linköping Sweden

A A Moalin

Codkabulshada.com@gmail.com

War Deg Deg Ah: Axmed Madoobe Oo Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Jubaland.
Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe loo doortay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland.

Warar laga helayo Kismaayo ayaa ku waramaya in Doorashada Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland goor-dhow uu ku guulaystay Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe inkasta oo sida doorashadu u dhacday wali si rasmi ah aan loo shaacin.

Doorashada Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa timid kadib markii maanta la guda galay qaabkii lagu heli lahaa madaxweyne maamulkaasi yeesho.

Shabakada Warqabadka Codkabulshada.com

Xafiiska Muqdisho Soomaaliya

Codkabulshada.com@gmail.com

War Deg Deg Ah Labo Qarax Oo Lagu Weeraray Fariisimo Ciidamada Dowlada Ee Muqdisho
Wararka laga helayo degmada Deyniille ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in meel aan sidaa uga fogeyn irirda Wasaarada Gaashaan-dhigga Soomaaliyeed ay ka dheceen laba qarax oo lala eegtay ciidamada Meleteriga dowlada Soomaaliya.

Qaraxyadaan oo daqiiqado isu jiray ayaa waxaa la sheegay in bar-tilmaameedkoodu ahaa askar ku sugan meel dhowr mitir u jirta dhanka Galbeed ee irida Wasaarada difaaca halkaasi oo ay ku leeyihiin bar kantarool oo ay wax ku baaraan.

Qaraxyadaasi oo aan la’ogeyn wali qasraaha ka dhashay ayaa waxaa xigtay rasaas ciidamadu fureen, iyo wadada Warshadaha oo guud ahaan ka xirantay agagaarka dhibku ka dhacay.

Inta badan waxaa dhacda in ciidamada dowlada Soomaaliya ay rasaas furaan marka lala eegto weerarro gaadma ah oo loo adeegsado walxaha qarxa.

Wixii Kusoo Kordhaa Wararkeena ayana ididn kugus oo gudbineynaa in shaa Alaah

Shabakada Warqabadka Codkabulshada.com

Xafiiska Muqdisho Soomaaliya

Codkabulshada.com@gmail.com

Aqri Magaca Sheekh Caan Ahaa Oo Aano Qabiil Loogu Dilay Gobalad Dhexe
Magaalada Dhabad ee gobolka Gal-gaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kooxo hubaysan waxa ay ku dileen Sheekh Caan ahaa oo dadku ay aad uga nexeen geeridiisa.

Sheekha la khaarijiyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Salaan Faarax Barre sida ay ku warameen masuuliyiinta deegaanka dhibku ka dhacay oo warbaahinta lahadlay.

Dilka sheekha ayaa goor danbe oo xalay ah ka dhacay duleedka Magaalada Dhaabd kadib markii dableey ay hoygiisa ugu dheceen xabada bandanna ay ku fureen.

Axmed Jaamac Dhirif, Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq, ayaa daaha ka rogay in dhibkaani uu salaka ku hayo colaada hor oo ka wada dhexeysay qabiilla deegaanka kuwada nool.

Dilka sheekhii aanada qabiil loo dilay ayaa waxa uu hor seeday in ay hub aruursi bilaabaan dhalin-yaro ku heyb ahaa oo sheegay in ay u soo aari doonaan sheekhoodii ay jeclaayeen.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq ayaa dhanka kale ku waramay ay in ku howlanyihiin sidii loo qaboojin lahaa arinta oo dhib danbe looga fogan lahaa, isaga hoosta ka xariiqay in ay laxariiren Maamulka degmada Cadaado oo ay kasoo jeedaan kooxaha dilay Sheekha si arinta loo xaliyo.

Shabakada Warqabadka Codkabulshada.com

Xafiiska Gaalkacyo Soomaaliya

Codkabulshada.com@gmail.com