Duqeyn aad u culus oo lala dhacay Shabaab.

0
37

Wararka naga soo garaya magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku waramaya in xalay ay ka dhacday duqeyn lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Bartilmaameedka duqeyntaas ayaa saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya waxa ay sheegeen in uu ahaa xarun ay ku kulan sanaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo iskaga kala yimid goobaha ay dalka ka maamulaan.

Nin lagu magacaabo Sheikh Xuseen Filow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa sida la sheegay Jubbooyinka ayuu dhaawac ka soo gaaray duqeynta sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

Sidoo kale meel duleedka ka ah Jilib gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xaramka, waxaa la sheegay in isla xalay ay diyaaraduhu duqeyn ka geysteen, halkaas oo fariisimo ciidan ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Kolonyo gaadiid ah ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday duqeyntaas, waxayna saraakiishu sheegeen in Aadan Geedi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa arimaha gaashaandhigga lagu dilay duqeynta ka dhacday deegaanka Xaramka.

Isgaarsiinta deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo maqan ayaa noo suurta gali weysay in aan qadadka taleefanka ku helno dadka ku nool gobolkaas si aan wax uga weydiino duqeymaha la sheegay laga fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.

Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha noo warantay oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay in ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe