Duqeyn culus oo ka dhacday Saakow.

0
35

 faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacday deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ,taas oo la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin dagaalamayaasha  Al-Shabaab.

Saraakiil ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta ay  ka  dhacday degmada Saakow lala beegsaday Xarun uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa soo sheegaya in duqeynta  lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ah iyo ilaaladooda.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale warbaahinta  u sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo weli aan magacooda la helin.

Diyaardaha mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay Al-Shabaab ka fulinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhawaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen degmooyinka Jilib, Jamaame, Bu’aale iyo deegaano kale, kuwaasi lagu khaarijiyay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.