Duqeymo lagu laayay shabaab oo la fuliyay.

0
55

Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay xalay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Duqeymahan ayaa ka dhacay saldhigyo  waa weyn oo aad loo ilaaliyo oo Al-shabaab leeyihiin, kuwaas oo ku yaala Degmooyinka Jilib Iyo Jamaame oo ka wada tirsan gobolada Jubbooyinka iyo deegaanka xaramka oo ka tirsan  gobolka Sh/ Hoose.

Dad goobjoogayaal ayaa Galwareed.com u sheegay in duqeynta lagu dilay  xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana waxaa la tilmaamay in la bartilmaameedsaday saldhigayadii ugu weynaa ee ku yaala degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka tirsan Jubbooyinka.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa Galwareed.com u sheegay in duqeymihii ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Jilib lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale Deeganka xaramka oo dhaca shabeelada hoose ayaa isna la sheegay in xalay lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo safar dhulka ah ku marayey deegaanka Xaramka, waxaana la sheegay in duqeynta lagu dilay 5 ruux oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha duqeymaha ka fuliyay Deegaano ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose.