Diblomaasiyadda Kenya ee Kamau uu hoggaaminayo

0
77

Dhegeysiga dacwada badda waxuu ka bilaabanaya Maxkamada ICJ September 9, 2019 haddii uusan jadwalka isbedelin. Dowladda Soomaaliya ayaa horgeysay Maxkamada ICJ, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya August 28, 2014. Maalintaas wixii ka dambeeyey, xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, aad ayuu u sii xumaanaayey.

Ka dib markii wadahadalo xaldoon ah, oo soo jiitamayey muddo shan sanadood ah ay miro dhallinwaayeen, ayaa dowladda Soomaaliya maxkamada ka codsatay inay go’aan ka gaarto sohdinta badda ee labada dal, ayadoo la raacayo qaanuunta baddaha caalamiga.

Halkii Kenya laga sugayey ka soo warcelinta (muddaca) dacwada, ayay Oktoobar 7, 2015 soo gudbisay diidmo hor u dhac ah.  Hase yeeshee, Maxkamadda ICJ ayaa Febraayo 2, 2017 gaashaanka ku dhufatay, doodii marmarsiyada ahayd ee Kenya (preliminary objections). Qaraarku wuxuu caddeyay, inkastoo uu heshiis hore jirey, haddana maxkamada kama horistaagayo gudagashadda waajibkeeda dacwadda hortaal.

Soomaaliya iyo Kenya waxay ku kala aragti duwan yihiin jihaynta soohdinta marta xeebta ay waddaagaan. Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xuduudeeda badda ay si toos ah ula socoto midda dulka, taasoo ah xariiqda toosan ee loo yaqaan (median line or equidistance line). Aragtida Soomaalia waa tan caalamka guud ahaan isku raacsan yahay.

Kenya waxay ku adkeysaneysaa in sohdin-baddeedka ay la wadaagto Soomaaliya ay tahay barbar dhac (parallel) ka soo burqata xariiqda toosan ee labada dal wadaagaan. Sheegashadaas, waxay Kenya ku heleeysaa dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxadiisa lagu qiyaasay 100,000 Sq Km, lana mid ah qiyaas dhuleed (bedka) gobolka Jubaland.

Ismandhaafka wuxuu sii xoogeystey, kadib markii ay dowladda Kenya ku xadgudubtey ujeeddada heshiiskii is-afgaradka ee lagu gaarey Nairobi, 2009kii. Kaas oo xusayaa inuusan xallineyn wixii muran ahaa ee labada dal horey ugu socdey ee ku saabsanaa sohdinta kala qaybisa xeebahooda.

2012kii Kenya iyadoo hab qaldan u isticmaalaysa heshiiskii, ayey shirkadaha shidaalka baara ka xaraashtay 8 waxaad oo 7 ka mid ah ku yaalaan aaga Jamhuuriyadda Soomaaliya. Falkaas sharci darrada ah wuxuu xadgudub bareer ah ku yahay, xuquuqda sahaminta iyo uruurinta dakhliga ay ka qaadatay, (The East African – August 25, 2012).

Xaraashka Kenya ee badda Soomaaliyeed waxay daba socotey markii hab qadarin la’aan ah oo ay isla weyni ku dheehan tahay, ay gacan dhaaf ku sameysay madaxbannaanida iyo qaranimadda Soomaaliya. Oktoobar 2011, Kenya waxay si ulakac ah ugu xadgudubtay xuduuda Soomaaliya ayadoo ujeeddadeedu ahayd inay hesho maamul goboleed Soomaaliyeed oo hoostaga “buffer state.”

Kenya marnaba kuma xisaabtamin inay Soomaaliya ay kala kulmi karaan awood amase hoggaan ka horyimaada hanqaltaageeda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliyeed. Taariikhdu markay ahayd Juunyo 2013 ayaa Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Federalkaba Soomaaliya, dib u ansixineen go’aankii Agoosto 1, 2009 kaasoo laallay heshiiskii is-afgaradka Soomaliya iyo Kenya, kuna tilmaammey wax kuma oolan (null and void).

Tan iyo markii ay ku guuldareysata doodii hor u dhaca ahayd, Kenya waxay ololayneysaa in gogosha garta lagu fiddiyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ. Kenya waxay ku baraarugsan tahay, in xaqiiqda dhabta ah ee sohdin-badeedka ay ku doodeyso uusan salka ku heyn sharuucda caalamka ee xuduudaha baddaha.

Intaa ka dib, Kenya waxay bilowday inay isticmaasho xeelad canaad iyo sasabasho iskugu dhafan. Taariidhdu markay ahayd Siteembar 2016, waxay ka qaaday Soomaaliya xayiraaddii safarka dalku galka waddankeeda oo tan iyo 2006kii taagneyd.

Daajinta ay Kenya ku kasbanayso Soomaaliya intaa kuma ekaan. Taariikhdu markay ahayd Maarso 2017kii, Kenya waxay u ballan qaaday Soomaaliya, in saraakiisha dowladda ee ku safraya baasaboorada shaqadda rasmiga ah iyo midka diblomaasiga inay dalka Kenya ku geli karaa fasax dal ku gal la’aan.

Waxaa dadaalkaas daba jooga, hagardaamo dadban.  Taariikhdu markay ahayd Nofeember 2018kii, ayaa Wasaaradda Difaaca Kenya damacday in Soomaaliya ku soo jiido, ka mid noqoshadda Heshiiska Amniga Badweynta Hindiya (Indian Ocean Security Deal), iyadoo farta ugu fiiqeysa in ay dan ugu jirto.

Kenya waxey markale weji gabax kala kulantey hankaaggeeddii, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku gacan sayrtay. Haddii uu shiqoolkaas uu u suurogeli lahaa, gacan ku haynta badda (maamulka), waxay u gacan geli lahayd ciidamadda “Kenya Coast Guard,” (Allafricanews – 29/11/2018).

Daandaansiga iyo dhagarta Kenya waa arrin la yaab leh. Dowladda Soomaaliya ayaa London ku soo bandhigtay macluumaadka sahminta soosaarista khayraadkeeda, taariikhdu markay ahayd Febaraayo 7, 2019 (seismic data 2014-2016).  Islamarkiiba, Kenya waxay jeebka gashatey wanaagii yaraa, inkastoo dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum ay u xaqiijiyeen, in aysan qaadin tallaabo wax u dhimmi kara dacwadda Maxkamada ICJ.

Kenya kuma qancin shaki bixintaas, oo waxay durbadiiba ka soo saartey bayaan xanaf leh taariikhdu markay ahayd Febaraayo 16, 2019, kaas oo ay ku soo cayrisayay danjire Moxamuud Axmed Nuur – Tarzan, isla markaasna dib ugu yeeratay mid keedii – danjire Lucas Tumbo. Falkaas oo ka baxsan hab maamuuska iyo xurmada deriswanaaga.

Maarso 2019kii, gulufkii boolaxoofteynta waxaa cagta u dhigay, dadaaladii gobolka oo Kenya kaga digayay colaadinta Soomaaliya iyo carqaladeynta nabadda GeeskaAfrika.  Islamarkaas, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu ugu tagay Madaxweyne Uhuru Kenyatta fadhigiisa, ayadoo shacabka Soomaaliyeed carro ka muujiyeen kulankaas.

Kenya waxay dib boorka ugu jaftey siyaasadeedii cunnoqabateynta Soomaaliya. Maajo 2019kii, waxay xayiraad dal ku gal ku soo rogtay ergadii dowladda Soomaalida uga qayb geli lahaa shir looga arrinsanayay iskaashiga xuduudaha Geeska Afrika, oo ay EUda iyo UNka soo qaban qaabiyeen, laguna qabanayey Nayroobi.  Hagardaamadaas waxaa ka dhalatay natiijo ka duwan middii ay ka filaysay.

Kenya malaha waxay maleenaysay in Soomaalida oo qabyaalad boqongoysay, aysan ku heshiin karin maareynta khayraadkooda. Waxaase mala’awaalkeedii dhabar jabiyey in baarlamaanka Soomaaliyeed, si sahlan ku ansixiyay sharcigii shidaalka.

Kenya markii ay ku waabariisatey, in maamulka Farmaajo-Kheyre aysan dhag jalaq u siinayn daandaangiseeda, ayay cunnoqabateyn hor leh ku dhaqaaqdey. Waxay joojisay duulimaadyaddii tooska ahaa (Nairobi – Muqdisho), mamnuucday rarka aan rakaab la socon ee diyaaraddaha ka soo qaadaan Muqdisho, si ay shacabka ugu kiciso dowladda.

Caqabaddaha Kenya ay culays ku saartay dowladda Soomaaliya waxaa kaloo ka mid ahaa, in Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, oo la kulmay wafdi ka socday Hargeysa, ayaadoo uu ula dan lahaa qaran jibinta midnimada Soomaaliya.

Waxay dhammaan diyaaradaha ka yimaada Muqdisho ku soo rogtay inay ku hakaddaan Wajeer, ka hor inta aysan u gudbin Nairobi. Halka, kuwa ka soo duula Jubaland amase Somaliland, si toos ah ay ugu fasaxan yihiin ka degidda garoonka Nairobi.

Intaba markii Muqdisho ay ka danqaweyday, ayay Kenya bilowdey weerar ay ku marmarsiyooneyso la dagaalanka argagaxisada, kuna ololeyneyso qaraarka 1267 oo ku saabsan, in Shabaab loo aqoonsado urur argagixiso caalami ah. Golaha Ammanka QM ayaa diiday August 28, 2019.

Weliba, taa bedelkeeda Goluhu wuxuu ku boorriyay dowladda Kenya, inay meelmariso qaraarraka 751 ee lala beegsanayo Shabaab, oo ay ka mid tahay mamnuucida ganacsiga dhuxusha dekedda Kismaayo ka baxda, iyadoo dhaliilo hore ka taaganaayeen mucaamilka ciidamadda Kenya ee maamula dekadda la leeyihiin Shabaab.

Soomaaliya waxay markasta iyo meelwalba madaxbanaanideeda ku ilaalsaneysaa, si nabad iyo asluub diblomaasiyad leh, oo ay daris wanaag ku dheehan tahay. Waana tan keentay inay dacwad ka gudbiso Kenya.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka feejigan tahay dhagarta Kenya, ayadoo iska ilaalineysa fal kasta ee laga yaabo inay wax u dhimmi karaan deris wanaaga, ilaa maxkamadda ka soo saarto qaraarkeeda kama dambeys ah.

Isku daygii ugu dambeye ee Kenya ku hor istaagayso inay dhacdo dhagaysiga dacwada badda ee hor taalla Maxkamda ICJ, ayaa ah inay codsatay in dib loo dhigo xilligii lagu madlanaa oo ahayd September 9, 2019. Kenya waxay ku marmarsiyooneysaa inay eriday lix qareen oo ku matalayey dhagaysiga dacwada badda, ayna doonayso in waqti loo siiyo si ay u qoroto qareeno cusub.

Ilaa hadda Kenya waxaa difaaca uga baxay kharash kor u dhaafaya ilaa 3 malyan doollar, haddana waxaan sir ahayn, in ay u muuqato in fursada guul darrada dacwada ka badan tahay tan midda guusha.

Haddaba, uurkummaanle Macharia Kamau waxuu u baahan yahay inuu kala garto waxa la yiraah bisayl iyo bisayl la’aan diblomaasiyadeed, inta uusan ka qoomamayn daris xumidda uu unkay.

W/Q: CabdulQadir Cariif Qassim
Jamhuriyada.com