Xayiraada duulimaadyada diyaaradaha Kismaayo oo saameyn yaab leh yeelatay

0
70

Amarkii dowladda federaalka ee ahaa in diyaaradaha ka duulaya Kismaayo ama ka dagaya ay khasab tahay inay maraan Garoonka Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa saameeyey dhamaan degmooyinka garoomada leh ee uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Waxaa isi-soo taraya cabashooyinka ay jeedinayaan shacabka ku nool dhamaan degmooyinka Jubbaland iyo shirkadaha duulimaadyada, kuwaas oo si isku mid ah uga cabanaya amarka xukuumadda federaalku ay kusoo rogtay duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Cabashada xayiraadaan kuma koobna oo kaliya Kismaayo ee waxaa la qaba dhamaan degmooyinka Jubbaland sida, Garbahaarey, Doolow, Baar-dheere, Ceel-waaq, Dhoobley, Luuq iyo degmooyin kale oo dhaca dhulka uu ka arimiyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale caqabada ka dhex jirta degmooyinkaas ayaa ah in waddooyinka la iskugu socdaalo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, sidaas darteedna aysan dad badan safar dhulka ah wadooyinkaas ku gali karin.