Ciidan Saanad aan caadi aheyn loogu qeybiyay magaalada Jowhar

0
23

Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa Saanadda ah loogu qeybiyay Ciidan Boolis ah oo uu dhawaan tababartay maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Booliska ah oo lagu tababaray gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa la siiyay Dharka iyo Kabaha Booliska.

Taliyaha Booliska Maamulka Hirshabelle Xasan Dhicisow ayaa ciidamadaasi u qeybiyay dareyska Ciidanka Booliska.

Ciidamada ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysay 200 Askari oo ka mid ah Booliska Maamulka  Hirshabeelle ee lagu tababaray Magaalada Jowhar.

Askarta Booliska ah ee heshay dareyska Ciidamada waa qeybtii 2aad ee Booliska Hirshabeelle ee la tababaray waxaana lagu wadaa in la geeyo meelaha loogu talagalay.

Tababarka Booliska Hirshabelle waxaa ka qeybqaatay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya gaar ahaanna qeybtooda taageerta dib u dhiska Booliska Soomaaliya.