8; Madaxweynayaal hore oo ka qeybgelaya Madasha Koofi Anaan

0
29

Madasha Nabadda iyo Amaanka ee Koofi Anaan ayaa ku dhawaaqday sideed Madaxweyne oo sanadkan ka qeybgeleya shirka sanad laha ah ee ay qabato hay’addaasi.

Shirka oo ka dhacaya caasimadda Dalka Ghana ee Accra ayaa waxaa ka qeybgelaya sideed ka mid ah madaxweynayaasha Afrika soo maray ee hadda nool.

Soomaaliya waxaa uga qeybgelaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,waxaa kale oo ka qeybgelaya Madaxweynayaashii hore ee dalalka kala ah; Burundi, Jamhuuriyadda AFrikada dhexe,Sierra Leone, Liberia, iyo madaxweynayaashii hore ee kala a;  Jerry John Rawlings, John Agyekum Kufuor  iyo  John Dramani Mahama, kuwaas oo madaxweynayaal ka soo ahaa dalka Ghana.

Shirkan ayaa waxaa uu soconayaa muddo labo maalmood ah oo ka bilaabaneysa afarta Bisha September ilaa shanta isla bishaas.

Waxaa SHirkan fududeynaya Dowladda Federaalka ah ee Germany iyo Dowladda Norway sida ay sheegtay Madasha Nabadda iyo amaanka ee Koofi Anaan.

Shirka Sanadkan waxaa diiradda lagu saarayaa howlgallada nabad ilaalinta ee Afrika iyo qalalaasaha xagjirnimada ka dhalata ee ka dhaca Afrika.

Koofi Anaan oo ahaa xoghayihii ugu horreeeyay ee Afrikaan Madow ah islamarkaana qabta Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa geeridiisii kaddib la sameeyay madasha amniga iyo nabadda ee isaga loogu magac daray.