Shabaab oo la wareegtay saldhig laga ilaaliyo Jowhar

0
34

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Keli Waraabow oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen saldhig ciidamada HirShabelle ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ku dishay lix ka tirsan ciidamada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac.

Keli Waraabow ayaa Jowhar u jira afar KM oo kaliya, waxaana saldhigga la weeraray laga ilaalin jiray aminga magaaladaasi.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo halkaasi.