Nabad Sugida Soomaaliya oo sanad Taliye la’aan ah iyo Amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya.

0
31

Sanad ka hor maanta oo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Fahad Yaasiin Taliye kuxigeenka NISA, isagoo noqday kuxigeenka kaliya ee Hey’addaas yeelato, kaddib markii xilka laga qaaday labadii Taliye kuxigeen ee Cabdalla Cabdalla iyo Jaamac oo horay shaqo joojin ugu sameeyay Taliyihi hore ee NISA.

Labo bil kaddib Fahad Yaasiin ayaa la wareegay hoggaanka Hey’adda NISA, kaddib markii uu is casilay Taliyihii hore Xuseen Cusmaan Xuseen oo isu sharaxay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Magacaabidiisa Taliye kuxiyeenka NISA ayay dad badan u arkayeen mid layaab ah, marka loo eego xilkaas, jagadii Agaasinka Madaxtooyada iyo awoodda badan ee uu ku lahaa dowladda, balse waxay aheyd arrin wax badan ku qarsooneyd oo ahaa inuu la wareego Hoggaanka Sirdoonka Soomaaliya, qaab Sii-Hayenimo ah, isagoo ah Kuxigeenka kaliya ee hey’adda, waxaana haatan muddo sanad ku dhow uu yahay Sii Hayaha NISA oo aan mudadaas Taliye buuxa yeelan, waxaana Siyaasiin badan aaminsan yihiin in Hoggaanka Taliska uu ka dhigay mid Siyaasadeed marka loo eego ku milankiisa xagga siyaasada iyo talada uu wax kaga gooyo go’aamada qaar.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya, iyadoo shabaab ay 24kii bishii hore Qarax ku dileen Gudoomiyihii gobolka Banaadir iyo 9 mas’uul oo kale, iyadoo dowladda Soomaaliyana wali bixin faah faahinta sida Shabaab ku gaareen xafiiskii duqa Muqdisho.

Weerarada Shabaab ee Caasimadda waxaa loo aaneeyaa Nabad Sugida awood badan oo aan jirin iyo Hoggaankeedii oo isaga mashquulsan arrimo Siyaasadeed iyo iska dhicinta Siyaasiyiinta iyo madaxda maamul goboleedyada.