Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku dilay 4 Shabaab ah oo midi Dumar eheyd.

0
29

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goordhow Muqdisho ku dilay 4 Shabaab ah, kuwaasoo qorsheynayay iney dil u geystaan mas’uul ka tirsan Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

Shabaabka la dilay Saddex kamid ah waa rag, halka qofka 4aadna ay tahay Haweeney la sheegay iney hubka u siday dagaalyahanada Shabaabka ee toogashada damacsanaa.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneral Zakiya Xuseen Axmed ayaa bareheeda bulshada ku daabacday in Ciidamada ku sugan isgoyska Howlwadaag ay ku guuleysteen iney fashiliyeen dilka lala damcsanaa shaqsiga ka tirsan Wasaarada Waxbarashada.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare” ayey tiri zakiya.

Waxa ay sheegtay in is rasaaseyn kooban ay dhex martay Ciidamada amaanka iyo Kooxihii damacsanaa iney dilka geystaan sababtay dhimashada Afarta Shabaabka ah, iyadoon ka hadal hadii uu jiro wax khasaare ah oo Ciidamada amaanka gaaray iyo Shacabkii halkaasi ku sugnaa.

“Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Meydadka xubnaha Shabaabka ah ayaa yaala laamiga Bakaaraha, waxaana halkaasi la filayaa iney goordhow gaaraan mas’uuliyiin iyo Taliyayaal ka tirsan laamaha amaanka ee dowladda.