Maamulka Puntland ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanadda Cusub ee Maamulka Jubbaland oo maanta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubba hoose.
Puntland waxay u hambalyaynaysaa Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubaland, sidoo kale Puntland waxay bogaadinaysaa sida ay u socoto hanaanka Doorasho ee Jubaland ayaa lagu yiri qoraalka Soo baxay maamulka Puntland.
Hoos ka aqriso qoraalka ka soo baxay Maamulka Puntland.