Ammaanka Villa Somalia iyo xafiisyada kale ee DF oo aad loo adkeeyay + Sababta

0
16

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xafiisyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii lagu dilay guddoomiyihii gobalka Banaadir ahna duqi Muqdisho marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow”.

Xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddoonada golaha baarlamaanka dalka ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu amray ciidamada in ay baaraan qof kasta oo shaqaalaha katirsan oo shaqada soo gala.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay amaanka xafiisyada wasiirada xukuumadda Soomaaliya, maxkamadaha dalka iyo goobaha kale ee muhiimka ah, waxaana furayaasha laga qaaday qaar kamid ah dadkii hayay furayaasha xafiisyada wasiirada. Sidoo kale booliiska ayaa soo rogay in la baaro dhamaan shaqaalaha iyadoo laga digay in aan qofna baaritaan la’aan gelin xarumaha dowladda.

Caasimada Online ayaa dad kale duwan oo ay la hadashay waxay u xaqiijiyeen in maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyay amaanka, waxaana sidoo kale la billaabay in la baaro gaadiidka gudaha wasaaradaha iyo xafiisyada kale ee dowladda lagu baakimo, kuwaas oo ay wataan dadka mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda katirsan.

Arrimahaan oo dhan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay in weerarkii ka dhacay aqalka dowladda hoose la xaqiijiyay inuu ahaa ismiidaamin, islamarkaana ay fulisay haweeney ka tirsan agaasimiyaasha gobalka Banaadir ayna ka qayb qaateen dad katirsan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Arintaan ayaa ciidamada amaanka lagu amray in aysan ka baaqsan sidoo kalane aysan aaminin qofna oo ay adkeeyaan amaanka qofkii diidana uusan soo galin xarumaha dowladda Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii aan la hadalnay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxyaabaha lagu arkaayo kamid ah in aad loo baaro gaadiidka galaya oo aysan markii hore dhici jirin gaar ahaan waxaa lagu baarayaa baraha kontaroolka ee Sayidka, Xaawo Taako iyo Ceel-Gaabta oo ah saddexda wado ee laga gali karo Villa Somalia.