Yaa Ugu Sareeya Liiska Xiddigaha Isboortiga Ee Lacagta Ugu Badan Ka Hela Instagram

0
131

Cristiano Ronaldo ayaa u sareeya liiska xiddigaha isboortiga ee lacagta uga badan ka hela xayaysiinta ay soo dhigaan Instagram iyadoo xayaysiin walba uu soo dhigo halkii mar ku qaata 780 kun ginni, iyadoo xiddiga laga nacay Real Madrid ee Gareth Bale uu soo galay 10ka ugu sareeya.

Xiddiga Juventus oo 34 sanno jir ah ayaa 173 milyan taageerayaal ah ku leh Instagram, waxaana ay taasi keentay in wax walba oo uu soo dhigo oo suuqgeyn leh inuu ku helo lacag xad dhaaf ah sida ay sheegtay HopperHQ.

Cristiano Ronaldo Oo U Sareeya Liiska Xiddigaha Isboortiga Ee Lacagta Ugu Badan Ka Hela Instagram

Xiddiga labaad ee ku soo xigta waa ciyaaryahanka Paris Saint-Germain Neymar kaasoo xayaysiin walba uu soo dhigo halkii mar ku qaata 580 kun ginni, Lionel Messi ayaa seddexaad ku jira oo qaata 521 kun ginni.

Xiddigii hore ee Man United David Beckham ayaa isna halkii mar ee uu wax soo dhigo Instagram qaata 287 kun ginni, waxaana uu ka sareeya xiddiga kubada Kolayga LeBron James oo qaata 219 kun ginni.

Inkastoo uu ciyaara ka fariistay hadana Ronaldinho ayaa weli suuqgeyn fiican leh, waxa uu ku jiraa kaalinta lixaad waxaana uu halkii mar ee uu wax soo dhigo qaataa 206 kun ginni isagoo 47 milyan taageerayaal ah ku leh Instagram.

Liiskaan oo ay u badan yihiin xiddigaha kubada cagta waxaa iyagana ku jira Zlatan Ibrahimobic iyo Luis Suarez iyo xiddiga kubada Cricket-ka Virat Kohli.

Gareth Bale oo laga nacay Real Madrid ayaana kaalinta 7aad ku jira isagoo halkii mar ee uu xayaysiin soo dhigo Instagram qaata 175 kun ginni.

Liiska Xiddigaha Lacagta Ugu Badan Ka Hela Instagram:

1- Cristiano Ronaldo  2 – Neymar  3 – Lionel Messi 4 – David Beckham 5 – LeBron James 6 – Ronaldinho  7 – Gareth Bale 8 – Zlatan Ibrahimovic 9 – Virat Kohli 10- Luis Suarez