Xiddig Magac Ka Leh Premier Oo Doonaya Inuu Shaaciyo Inuu Ka Mid Yahay Dadka Isku Jiinsiga Ah Ee Isu Galmooda & Kooxdiisa Oo Walwalsan

0
131

Xiddig magac ku leh horyaalka Premier League ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu shaaciyo inuu ka mid yahay dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, laakiin kooxdiisa ayaa ka walwalsan carada ka imaan doonta taageerayaashooda, sida ay qortay jariiraa Ingariiska ee The Sun.

Xiddigaan ayaa loo sheegay inuusan marnaba shaacinin inuu ka mid yahay dadka isku jinsiga ee isu galmooda ilaa iyo kooxda ay u ogolaaneyso.

Ciyaaryahankaan ayaa la sheegay inuu wadahadal joogta ah kula jiro madaxda kooxdiisa kuwaasoo doonaya in loo balanqaado in ku dhawaaqistiisa aysan saameyn ku yeelan doonin xilli ciyaareedkooda.

Ilo ku dhow xiddigaan magaca leh ayaa u sheegay The Sun: “Waa go’aan weyn oo uu qaadanayo ciyaaryahanka inuu ku shaaciyo inuu ka mid yahay dadka isku jinsiga ee isu galmooda.

Ciyaaryahankaan oo lagu sheegay inuu ka mid yahay xiddigaha waa weyn ayaa isaga iyo wakiilkiisa iyo madaxda kooxduba waxa ay ka wada hadlayeen sida ugu macquulsan ee warkaan loo baahin karo muddo bilooyin ah.

Qof arintaan ka agdhow ayaa u sheegay The Sun: “Kooxda waxa ay dooneysaa inay taageero u muujiso ciyaaryahanka laakiin waxa ay ka baqayaan carada ka imaan doonta taageerayaasha.

“Waxay jeclaan lahaayeen in ciyaaryahan kale oo koox kale u ciyaara uu ku dhawaaqis ceynkaan oo kale ah sameeyo mar ka hore si aysan iyagu diirada u soo korin.”