Imissa Lambar Maaliyadeed Ayaa U Banaan Saxiixyada Cusub Ee Imaan Kara Man United Xagaagan – Maguire, Fernandes & Longstaff?

0
37

Manchester United ayaa rajeyneysa inay soo dhaweyso saxiixyo kale oo cusub xagaagan laakiin lambaro ceynkee ah ayaa u banaan saxiixyada cusub ee Old Trafford imaanaya.

Saxiixa cusub ee Daniel James waxa uu qaatay lambarka 21aad ka dib markii uu 15 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Swansea iyadoo lacagtaas ay noqon doonto 18 milyan haddii sharuudaha qaar ay buuxsamaan.

Dhanka kale xiddiga 50ka milyan ginni uga soo wareegay Crystal Palace Aaron Wan-Bissaka waxa uu xirtay maaliyada No.29 oo ayy ku xiran jiray kooxda Crystal Palace.

Hadaba lambaradee u banaan haddii ay kooxda yimaadaan daafaca Harry Maguire iyo xiddigaha khadka dhexe Bruno Fernandes iyo Sean Longstaff.

Daafaca dhexe ee 29 jirka ah Harry Maguire ayaa haatan maaliyada No.15 u xirta kooxda Leicester City laakiin lambarkaas waxaa United u wata Andreas Pereira.

Sidaasi darteed haddii Maguire uu tago Old Trafford waxa ay u badan tahay inuu xiran doono maaliyada booskiisa loogu talogalay ee No.5 ee uu u xiran jiray Hull City iyo Sheffield United, inkastoo uu bilowgii waayihiisa ciyaareed uu xiran jiray maaliyada no.19 taasoo iyadana banaan.

Maaliyada uu qaadan doono Bruno Fernandes ayaa dhib badnaan doonta madaama uu xiddiga reer Portugal seddexdii xilli ciyaareed ee u danbeysay u xirnaa kooxda Sporting Lisbon maaliyada No.8

Maaliyadaas waxaa haatan iska leh Juan Mata oo dhawaan qandaraas labo sannadood ah saxiixay.

Fernandes No.10 ayuu u soo xirtay kooxdiisa hore ee Sampdoria laakiin Marcus Rashford ayaa lambarkaas ka dhaxlay Wayne Rooney.