Xidig Liverpool ka tirsan Oo Mustaqbalkiisa shaki galiyay

0
37

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee James Milner ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa fog ee kooxda Liverpool xilli uu hal sano uga hadhsan yahay heshiiskiisa Anfield.

James Milner ayaa qirtay in uuna kooxda ka maqlin wax heshiis kordhin ah oo ay damacsan yihiin in ay u soo bandhigaan.

Khabiirkan ayaa ka mid ah 2 xiddig oo joogto ugu ciyaara kooxda uu uu heshiiskoodu dhici doono xagaaga dambe si la mid ah daafaca dhexe ee Joel Matip inkasta oo ay joogto ugu ciyaaraan waliba door muhiim ah ka yihiin kooxda.

Wararka ayaa bilowgii xagaagan sheegayay in ay Liverpool doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddigaha Milner iyo Matip wakhtiga soo socda.

Labada xiddig ayaa door ka qaaday ku guulaysigii Liverpool ee champions League xilli ciyaareedkii hore.

Inkasta oo uu Milner noqon doono 34 jir bisha January ee soo socota hadana kabtanka ku xigeenka Reds ayaa ku jira xaalad jidh ahaaneed oo cajiib ah kadib markii ay kooxdu ku soo laabatay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga ayaa ka ciyaaray daafaca Midig, daafaca Bidix, khadka dhexe iyo waliba garabka weerarka xilli ciyaareedkii hore isaga oo muhiim ka ah qorshaha tababare Jurgen Klopp.

Xiddiga ayaa sidoo kale fure u ah qolka Labiska kooxda isaga xilli ciyaareedkii hore kooxda u ciyaaray 45 kulan una dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 7 kale.

Laakiin Milner ayaan ogayn in ay Liverpool qorshaynayso in ay heshiis cusub u soo bandhigto si ay kooxda ugu sii hayso wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka cusub inkasta oo ay jireen warar sheegaya in ay kooxdu heshiis cusub u soo bandhigayso xiddiga.

“Sida ay haatan arimuhu yihiin sanadkii hore ayaan kooxda kala hadlay in ay doonayaan in ay heshiis ugu iga saxiixdaan waxana ay ii sheegeen in ayna wakhtigaas ku Haboonayn arintaas”ayuu Milner yidhi.

“Wixii intaa ka dambeeyay kamaan maqlin wax kale sidaas darteed halkaas ayaan joognaa”.

“Waxa kaliya ee aan samayn karo ayaa ah in aan diirada saaro ciyaarta kooxdana u qabto waxa aan awoodo”.

“Laakiin marka laga hadlo dhanka heshiiskayga, ma jiraan wax cusub oo ay kooxdu nagu war galisay”.