Real Madrid Oo Diiday 6 Dalab Oo Laga Soo Gudbiyay xidig muhiim u ah

0
33

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqda mid aan doonayn in ay iska iibiso saxiixa xiddiga da,yarka ah ee Marco Asensio xagaagan inkasta oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda xagaagan.

Zinedine Zidane ayaa dusha ka maamulaya suuqa kala iibsiga kooxda xilli ay kooxdu ilaa haatan suuqa galisay lacag dhan 300 oo Milyan oo Euro oo ay kula soo saxiixatay 5 xiddig.

Kooxda ayaa haatan doonaysa in ay iska iibiso xiddigo kooxdeeda ah kuwaas oo ku kici doona lacag dhan 200 Milyan inta lagu jiro suuqa kala iibisga xagaagan.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Spain ee Marco Asensio ayaan ka mid ahayn xiddigaha ay kooxdu iibinayso todobaadyada soo socda ee xagaagan.

Idaacada Cadena SAR ayaa sheegaysa in ay Real Madrid diiday dalabyo xiddiga 23 jirka ah uga yimid 6 kooxood oo kala duwan oo reer yurub ah.

Laakiin Idaacada ayaa sheegtay in ay 6-da kooxood ee dalabka ka soo gudbiyay xiddiga dhamaantooda ka ciyaarayeen tartanka champions League xilli ciyaareedkii hore.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa si cad ugu sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn xagaagan.

Kooxda ku guulaystay Champions League xilli ciyaareedkii hore ee Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha doonaya xiddiga 23 jirka ah iyada oo uu Klopp taageero weyn u yahay xiddiga kooxda Caasimada kula jira ilaa xagaaga 2023.