Nolosha Xuriyad Ayaa U Qurux Badan Haddii Aysan Heleyn Ruux Qurxiya Oo Daryeela

0
42

Marba haddii aad igu kali yeeshay nolosha waxaan ahaanayaa qof aan cid kale u baahan waayo waxaan heystaa xusuusyo qurux badan ,Mana u maleynayo in  aan wehel sidaada oo kale heli doono

Sikasta oo aad u dareemi weysay oraahdeyda aniga waligeey kama xumaan balse waxaa qalbiga iga dhaawacay marka aad ii qeybtay wax aan ii qalmin .

Qorshaha nolosheyda kuma aanan darsan in aad sidaas iiga fogtahay waayo waan isku kaa dhiibay ,Farxad kasta in aad adiga sababteeda laheyd ogoow murug kasta ee maanta i heysana adiga ayaa sabab u ah.

Matihid qof aan eed ka tirsanayo balse waxaa tahay qof nolosha wax badan iga bartay

Inaan xor ahaado nafteyda way jeceshay balse qalbigeyga ayaaba xurnimadaas diiday oo adiga ku iloobi la,
“”CIDNA QALBIGA MA BOGSIIN KARYO ILAA IN AY SABAR BADAN LA YIMAADO MOOYEE”