Nketiah Oo Ka Sheekeeyay Qaabka Ay Henry & Wright Uga Caawiyeen In Uu Maro Wadadoodii

0
42

Da,yarka kooxda Arsenal ee Eddie Nketiah ayaa shaaca ka qaaday qaabkii ay Halyeeyada kooxda Arsenal ee Thierry Henry & Ian Wright uga caawiyeen in uu maro wadadii ay mareen.

Xiddiga Eddie Nketiah oo 20 jir ah ayaa la kulmay halyeeyga Wright xagaagan isaga oo ka qaatay waano yar halka uu Henry ahaa tababarihiisa markii uu Halyeeyga tababaraha u ahaa da,yarka kooxda.

Labada Halyeey ayaa door muhiim ah ka qaatay in uu da,yarka Eddie Nketiah sameeyo horumar kadib markii uu xiddiga reer England ilaa haatan wacdaro ka dhigay kulamada Arsenal ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo ilaa haatan dhaliyay 3 gool 2 kulan oo uu ciyaaray.

Eddie Nketiah ayaa sidoo kale sheegay in uu wax ka bartay xiddigaha weerarka uga ciyaara Asenal haatan ee Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette isaga oo sheegay in uu mar walba doonayo in uu kor u qaado ciyaartiisa.

Nketiah ayaa yidhi” Waxa jiray weeraryahano waaweyn oo u soo ciyaaray Arsenal waxana Ian Wright iyo Thierry Henry yihiin labada aan aadka u doorbido”.

“Waxa aan la kulmay Wrighto wakhti aan aad u fogayn waxana aan ka helay talo, mar walba way fiicantahay in aan la hadlo halyeeyadayda”.

“Waxa aan Henry kula shaqeeyay kooxda da,yarka Arsenal waxana uu isiiyay talo waxana aan haatan ka garab ciyaaraa laab weeraryahan oo kooxda jooga”.

“Waxa aan isku dayaa in aan wax ka barto mar walba waliba ku Isticmaalo ciyaartayda, Henry waxa uu ahaa mid aad iigu fiican kaliya ma ahan garoonka dhexdiisa laakiin sidoo kale garoonka dibadiisa, waana qof fiican”.

“In uu ahaa mid ka mid ah halyeeyadayda iyo waliba in aan la shaqeeyay waxa ay noqotay riyo run ii noqotay”.