Liverpool Oo Guuldaro Kala Kulantay 10 Ciyaartoy Oo Sevilla Ah & Xiddig Reds Ah Oo Dhaawac Halis Ah Soo Gaadhay

0
125

Kooxda Liverpool ayaa guuldaradii 2-aad oo xiriir ah la kulantay kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Labaada kooxood.

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa laba shaxood oo kala duwan ku soo galay isaga oo isku dhafay xiddigaha da,yarka kooxdiisa iyo waliba xiddigaha waaweyn ee kooxda 1-aad.

Daqiiqadii 37-aad ayay Sevilla dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nolito kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Sevilla ku hogaaminayso Liverpool.

Liverpool ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha waxana ay dhalisay daqiiqadii 44-aad ka hor inta ayna dhamaan qaybta hore ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Divock Origi isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Daqiiqadii 76-aad ayaa kaadhka cas loo taagay xiddiga Sevilla ee Joris Gnagnon kaas oo khalad ku galay da,yarka Yesser Larouci kaas oo laga saaray ciyaarta.

Kooxda Liverpool ayaa dhirbaaxo xun la kulantay daqiiqadii 80-aad kadib markii uu dhaawac halis ah soo gaadhay da,yarka Yasser Larouci kaas oo laga dhex qaaday garoonka.

Laakiin Sevilla ayaa goolka guusha dhalisay daqiiqadii 90-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alejandro Pozo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool la kulantay guuldaro kulankii 2-aad oo xidhiidh ah kulamada ay ku ciyaarayso dalka America ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.