Bareeraha aan laga bayrin! “Mahadsanid xitaa wuu dhintay”(Sheeko)

0
26

Aadan wuxuu ka mid ahaa ciidankii Soomaaliya ee ka qayb qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib loogu soo celiyey deegaankiisii ka gadaal markii uu maskaxda si uga noqday dayaanka madaafiicda iyo dhimashada dirirtu sababtay awgeed. Markii uu soo laabty ee uu yimid gurigiisii ayaa waa xaajo dagaal’e waxaa ku soo yaacay dadkii xaafadda la deganaa gaar ahaan haween badan oo raggoodu dagaalka aaday.

Dumarkii iyo qoysas fara badan baa fayl u soo galay si ay war u helaan, haweenay kastaa ninkeedii bay waydiinaysaa iyadoo leh “hebel ka waran?” Markaas baa Aadan ku jawaab celiyaa “ Hebel waa dhintay” wuxuu kaloo leeyahay “kaas anigaa wax ka aasay, hebel ALLA geesisanaayaa siduu xabashada bashaqda ugu hayey baa markii dambe la dilay”

Aadan oo wali sii wada jawaabaha ayaa leh “Haa hebel goobtii buu ku dhintay, hebel dhaawac buu u dintay, hebel nolol baa Amxaaradu ku qabsatay”.

Siduu maanta oo dhan ugu jiray kaasi dhimay, kaasi goobta nolol looga soo qaadin baa Islaan ka mid aheyd dumarkii dul dhoobnaa waxay fahantahay in ninka wax si’ ka yihiin oo maskaxdiisu aanay caadi aheyn, iyadoo hablihii kale hoos u qanjaruufanysa una taabanaysa si ay meesha uga tagaan ayaa tiri “War heedhahaya ninka naga soo wada”.

Haweenaydii oo sii dhaqaaqaysa baa Aadan ku tiri “walaal Mahadsanid” socodkiina bilowday.

Aadan oo haweenaydii u jawaabaya moodeyna in su’aalihii sii socdaan ayaa yiri “Mahadsanid xitaa waa dhintay”

Tii ka dhacday hadda!! Meeshii baa lagu kala  tagay.

Hadda innaga waxaad moodaa in xitaa sida wax kasta u kala horreeyaan in loo wajaho ay dhimatay.

Bal eeg dawlad dhisidu waxay ka horreysaa in la heshiiyo, oo wa yahaye ma bulsho aan heshiin oo nabad isku dhexmari karin, nabad ku wada noolaan karin ayaa dawladnimo ku heshiin kara?

U fiirso waxaa lagu oran “Hala is cafiyo” waa tahay’e cafisku ma dibnaha uun baa? Ma waxaa is cafinaya mid la dilay iyo kii dilay oon isku afgaran wixii dhacay? Mid leh “guri baa la iga haystaa” iyo mid kaloo leh “Dhulkaas shaar dawladeed baa la iiga dhacay”

Ma waxaa heshiis ah kan leh “Anigaa ku maamulaya ee igu daba fay”l iyo kan leh “Inta aan ku soo raacin aan wax isla meel dhigno oon ka heshiino nooca aad iigu talinayso”

Ma is waydiinay in nabadu wax kasta ka horreyso oo bal horta intii wax kale aynan u boodin iyada xoogga la saaro?

 

Waxa dawladnimada Soomaalidu la kufaa kacayso oo la itaal xun tahay oo la dhutinayso waxa ugu weyn waa iyadoon illaa iyo hadda la abbaarin ubucdii ama xudduntii dhibaatada oo ah in wax hoos laga soo bilaabo intii fiinta sare laga bilaabi lahaa Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Oodi siday u kala sareeysaa loo kala guraa” ee bal inta cagaha u dhigno oo dig digta joojino armay ku qurxoon tahay innaan faham yeelano oo abaarnaa halka sartu ka qurunsan tahay? Haddii kale waxay taagnaan doontaa “Mahadsnid xitaa waa dhintay”.

Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi