Waa kuma Gudoomiyaha cusub Ee Al-shabaab u soo magacowday Muqdisho

0
91

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay Guddoomiye cusub u magacaabeen Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa waxaa ay Guddoomiyahooda Muqdisho u magacaabeen Daahir Macalin Salaad oo la sheegay in uu horay uga tirsanaa Qeybta Mukhaabaraadka ee Al-shabaab.

Ninkan ayaa waxaa uu beddeli doonaa Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) kaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu dilay sanadkii 2017kii.

Tan iyo xilligaas ma jirin qof AL-shabaab ugu magacownaa Gobolka Banaadir,waxaana hadda warar dhinaca sirdoonka ah sheegayaan in Ninkan cusub uu noqonayo Guddoomiyaha AL-shabaab ee Gobolka Banaadir.

Inkasta oo Al-shabaab si muuqata aysan u maamulin Muqdisho haddana waxaa ay dagaallo ka fuliyaan Magaalada waxaana ugu dambeeyay shalay markii rag ka tirsan AL-shabaab weerareen Koontaroolka Seybiyaano ee Muqdisho halkaas oo ay tiro dad ah ku dhinteen.