Ra’isal wasaare Kheyre oo waji gabax kala kulmay Odayaasha Cadaado

0
25

Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa diiday inay la kulman R/wasaare Khayre oo saakay gaaray Cadaado.

Odayaasha ayaa sheegay in Khayre uga baxay balan hore haatana aysan la kulmi doonin.

Khayre oo la kulmay siyaasiyiinta deegaanka ayaa ka codsaday in la taageero qorshihiisa Galmudug sidoo kalena lala kulan siiyo odayaasha balse siyaasiyiinta ayaa u sheegay Khayre in talada reer Cadaado ay ka go,do odayaasha dhaqanka.

Kheyre iyo wafdigisa aya hadda ka soo baxay cadaado isagoo ku soo wajahan Gaalkacyo.

SHARE
Previous article
Next articleMaxaynu ka ognahay?