Qormo ku saabsan shakhsiga Gaalkacyo lagu soo bandhigay! Maxaa ka run ah

0
134

Baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed waxaa maanta harqiyey oo sida hirar uga soo burqanaya oo salow badan ka yeeray sawirka iyo muuqaaladda qof dumar ah oo la sheegay “inay nin iska dhigtay”, sida runtu tahay ILAAH baa og, waxaase aniga aad ii damqiyey, iina soo jiitay sida dareen la’aanta, xadgudubka xuquuqeed iyo ku talax tagga bini’aadamtinimada ka baxsan ee shakhsigaas loogu geystay gaboodfalka.

Booliiska:

Sharci diin iyo xeerarka caalamiga ah waxay isku waafaqsan yihiin illaalinta qofka sharaftiisa, iyadoo lagu xadgudbi Karin, xeelad iyo xaalad kasta.

Soo bandhigistii shakhsigaas ay soo bandhigeen Booliisku ee ay Kaamirooyinka la dultageen dad badan oo saxafaad matalayey waxay aheyd bilowgii xagudub ee shakhsigaas loo geystey, waayo qofka eedeysanaha ah illaa lagu helo caddeyn dambi loo haysto laguma soo oogi karo dacwad lagumana xukumi karo.

Booliisku waxay u muuqdaan in qofkaas soo eedeeyeen hadana xukumeen,waxaan ogsoonahay in Booliiska shakhadiisu tahay ilaalinta amniga, soo qabashada dambiilaha iyo u gudbinta hay’adaha garsoorka ee ma ahan Booliisku kuwa go’aan ka gaara nooca dacwad loo haysto eedeysanaha.

Shakhsigaas oo bardad ka muuqday wuxuu iila egyahay eedeysanaye ama la tuhunsane, haddii sidaa ay tahay waxay ku wanaagsanayd in Booliisku u gudbiyo maxkamadd  isagoo u xilsaaraya kiiska dacwad ooge ka dibna go’aan uu qaato garsoorku.

Saxaafadda:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Saxaafadda iyo shakhsiyaadkii baahiyey magaca iyo muuqaalka qofkaas cid kasta uu yahay wuxuu ku xadgudbay xoriyada iyo karaamada qofkaasi, waayo in Booliisku adeegsado warfaafintooda waxay u tahay xirfad xumo iyo xadgudub.

Waxaa ka reeban saxaafadda in qofka illaa dambi maxkamad ku xukunto in haybtiisa iyo muuqaalkiisa la baahiyo, taasina ma noqon mid dhacdadaas lagu jaangooyey.

Xadgubka Dumar:

 

Waxaa sawiradii la baahinayey waxaa ka mid ahaa taswiirta wax lagu tilmaamay “xubinta taranka ee raga”, haddaba alwaxaas bacda lagu duuduubay sidee loo aamini karaa in qof bini’aadam xubintiisa loo adeegsado? Bal adigu iswaydii akhriste! Sow looma qaadan karo gef iyo jaa’ifo dumarka lagula kacayo oo laga dhigayo xubintooda taranka meel wax kasta lagu gufeyn karo! Dadka kaftanka iyo dacaayada ka dhigayaa dib ha isugu soo laabtaan oo caqligooda ha miisaameen.

Eeedeymaha kale:

Shakhsigan dambi wuu geysan karaa wuuna gali karaa waxaase haboon wax walba oo lagu haysto in si caddaalad ah oo ka maran xadgudub in uu helo garsoor oo haddoo lagu helo uu mutaa ciqaabteeda laakin inta ka horeysaa qofkaasi wuxuu leeyahay xurmo bini’aadam- Ogow Yaanay noqon “Dulmi diiidowo dulmi doonaan aragnay”

Erey naaxin:

Salow: Buuq ama qaylo

Sarriig – Sharfta oo laga ilaaliyo wax xun xun, Xishood ama sheex.

Gaboofal: Tacadi ama dhibaato

Bardad: Cabsi, arggagax

Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi