Maxaynu ka ognahay?

0
24

Shirka caalamiga ah ee looga hadlayo go’aan ka gaarista mustaqbalka dunida ee dhinaca siyaasadda, amaanka iyo bulshada wixii ka soo baxana saldhig looga dhigayo hannaanka dawladaha awoodda leh iyo kuwa jiheeya siyaasadaha dunida habka ay u shaqeeyaan, ayaa todobaadkan ka dhacaya magaalada Adis Ababa, ugama jeedo cid matalaysa Soomaalida.

Shirarka caynkaasi ah waxay inta badan horseed u noqdaan ama talo ka bixiyaan qorshaha siyaasadeed iyo meel marinta ajandayaasha dawladaha awoodda leh ka leeyihiin dunida gaar ahaan gobolada.

Soomaaliya oo ku taal aag Istaraatiiji ah isla markaana marxalad adag oo dawladeed, siyaasadeed, ammaan, bulsho iyo dhaqaale ku sugan, waxay ka mid tahay meelaha ay isha ku hayaan quwadaha waa weyn kuwaasi oo dano iska soo horjeeda ka leh gobolka ay Soomaaliya ka tirsan sida Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Marin biyoodka Bab Al-Mandab, Badweynta Hindiya.

Kala taagnaanshaha iyo kala qoqobnaanta siyaasadeed ee Soomaalida ka dhex taagan ee aadka iskugu mashquulsan waxay horseed ka dhigtay, kana sii dhigi doontaa in wax badan oo innaga wada dhaxeeyey si fudud ku lumaan ama qatar galaan- hadii aan la helin maskax fayow iyo hogaamiyeyaal u bisil fahamka qatarta taagan iyo tan soo socota.

Soddon sano oo burbur baahsan inna saameeyey, waxay u muuqdaan hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay eeganayaan dantooda gaarka ah ee xukun raadinta ah, tiiyoo ay ku dhexlumayso dantii guud ee dal, dad iyo diin.

Shirkaas waxaa si wadajir ah u shir gudoomin doona

1: Dr Alex Vines OBE, Agaasimaha machadka Chatham House qaybta Afrika.

2: Gabriel Negatu, Agaasimaha guud ee Bangiga caalamiga ah ee horumarinta ee Bariga Afrika.

 

3: Dr Christopher Fomunyoh, Masuul sare oo ka tirsan machadka dimuqraadiyada ee Afrika.

4: Bob Dewar CMG, oo ah cilmibaare ka tirsan machadka Chatham House qaybta Afrika.

Waxaa dood ama hadal qaybiye a ah Waihiga Mwaura, oo ah war akhriye ka tirsan Telefishinka Citizen ee dalka Kenya.

Dadka lagu casuumay ee hadal jeedinta bixin doona waxay qaarkood u dhasheen Tanzaniya, Kenya, Itoobiya, Togo iyo Brazil, sidoo kale qaar ayaa ka socda Qaramada Midoobay, Ururka midowga Afrika iyo hay’addo caalami AH.