Al-shabaab oo fagaaro ku Toogtay 10 qof

0
33
Somali government soldiers escort a suspected Al-Shabaab prisoner captured during fighting against Islamic rebel groups north of the capital Mogadishu, March 11, 2010. The death toll from fighting on Wednesday and Thursday in Somalia's capital between government forces and al Shabaab rebels has risen to 54, a human rights group and ambulance services said on Thursday. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: CIVIL UNREST MILITARY)

Al-Shabaab ayaa gelinkii danbe ee shalay waxa ay fagaare ku yaala deegaanka  Salagle ee gobolka Jubbada dhexe ku toogatay 5 nin oo ay ku sheegtay iney wax basaasi jireen, kuwaasoo da’aadooda ay u dhexeysay 22 sano jir ilaa 37 sano jir.

Sida Kooxdan shaacisay xubnaha la soo qabtay ee ay Shabaab dileen, laba kamid ah waxa ay u shaqeyn jireen Sirdoonka Mareyklanka, halka Saddexda kalena ay wax u basaasi jireen dowladda dhexe iyo maamulada kale ee dalka ka jira.

Gudoomiyaha Maxkamada Shabaab ayaa fagaaraha ka aqriyay xukunka dilka ah ee raggan, iyadoo isla goobta ay rasaas ku boobeen Koox loo sii diyaariyay fulinta toogashadan, waxaana fagaaraha  ku sugnaa Shacab ay Shabaab ka kala keeneen deegaanada hoostaga Salagle.

Halkan Hoose ka Aqriso magacyada xubnaha Shabaabka ay dilka ku fuliyeen:

1-Maxamuud Bashiir Hilowle oo 22 sana jir ah, Shabaab waxey ku eedeeyeen inuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka

2-Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur  oo 23 sana jir ah, Shabaab waxey ku eedeeyeen inuu u basaasayay maamulka Jubaland

3-Cabdi Raxiim Axmed Yusuf oo 26 sana jir ah, Shabaab waxey ku eedeeyeen inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

4-Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo 29 sana jir ah, Shabaab waxey ku eedeeyeen inuu Basaas u ahaa maamulka Koonfur galbeed

5-Idiris Yuusuf dhallin oo 37 sana jir ah, Shabaab waxey ku eedeeyeen inuu u shaqeynayay Ciidamada Bangaraafta Mareykanka tababaro.

Si kastaba, Shabaab ayaa 3-dii bishan fagaare ku yaala Degaanka Xagar ee Gobolka Jubada hoose ku toogtay 5 qof, iyadoo qofka ugu yar da’diisu eheyd 24 jir,waxaana ugu weynaa 59 jir kuwaas oo ay AL-shabaab ku eedeeyeen in ay u kala shaqeynayeen Mareykanka,Kenya iyo dowladda Soomaaliya.