Waxay ilmo dhashay saddex taariikh oo cajiib ah oo dhif iyo naadir ah!

0
108

Barbara Soper oo ah haweenay Mareykanka u dhalatay ayaa wax dhif iyo naadir ah loo diiwaan galiyey, waa in saddex mar oo kala ah 10.10.10, 09.09.09 iyo 08.08.08 ay ilmo dhashay.

Barbara ayaa ilmihii ugu dambeeyey dhashay 10.10.2010, waxayna aheyd gabar lagu magacaabay Cearra.

Inkastoo dhalmadaaa loo qaadan karo mid la isku beegay xilliyada, haddana Barbara waxay sheegtay in wax qorsheyn ah aanay ku jirin.

Waa dhacdo la soo gudboonata mid ka mid ah 50-kii milyan ee haween ah.

Inkastoo ilmaha koowaad uu dhashay 08.08.2008, haddana ilmaha labaad waa lagu qalay oo wuxuu ka soo hormaray xilligii la filayey oo ah bisha September.

Xigasho: Wargeyska The Telegraph.