Maxaad ka taqaan caado dhaqameedka Takanakuy ee dagaalka cuqdad iska saarka?

0
146

Dalal bada oo ka mid ah caalamka gaar ahaan kuwa ay ku nool yihiin dadka haysta diinta Kirishtanka bisha December 25-keeda sanadk kasta, waxaa looga debaaldegaa munaasabadda Ciise Masiixiga, laakiin dalka Peru ee dhaca Latin Ameerika gaar ahaan gobolka Chumbivilcas ee Koonfura wadankaas waxaa ka jira bandhig fursad u ah in feer ku kala baxaan dadkii sanadka isku ciil qabay oo waxaa lakala aargoostaa, iyadoo ugu dambeyn la iscafiyo.

Caado dhaqameedkan waxaa loo yaqaan Takanakuy, luuqada Quechua, ee ay ku hadlaan dadka Quechua ee reer Peru, macno ahaan waxay noqonaysaa “Marka dhiiggu shaxleeyo (daato),waxaa loola jeedaa caado dhaqameedkaas dadka inta labadii xummaan isku haysay, murmay, wax isku qabsaday ayaa feer hilfaha isku qaadaa, marka qof ka mid ah labada dagaalamaysa uu dhaco ama xanuunsado oo la daandaamo jugta feerka waa la joojiyaa.

Dagaalka Takanakuy xeerar buu leeyahay horta badiyaa waxaa dagaalama dadka ku murma dhulalka sida beeraha, laba wiil oo gabar isku colaadiyey, qof lagu tuhmayo inuu wax xaday, laba gabdhood oo isku dagaalay wiil ama daris murmay.

Xeerarka dagaalkaasi waxaa ka mid ah in aan la ogoleyn qanniinyada, in qof dhulka ku dhacay la garaaco, in qofka gacanta taaga aan lagu sii wadin feerka.

Feerka fantisiyaha Takanakuy, wuxuu caan ku yahay in lagu dagaalamo goob fagaaare ah oo dad badan isagu yimaadaan, waxaa ka mid ah in heeso iyo music la shido ka hor inta aan la bilaabin.Dagaalkaas waxaa loo arka fursadda qofku uu ku soo bandhigi karo geesinimadiisa, waxgalkiisa iyo awoodda uu u leeyahay in uu cad goosan karo.

Xeerarka waxaa kaloo ka mid ah dagaalku wuxuu leeyahay Garsoore dhexdhexaad u ah labada qof oo dagaalamaysa, waxaa kale oo marmar yimaada goobta Booliis ag taagan dadka feertamaya.

Laakiin xeerka ugu wanaagsan waa in labadii feerka cardaadiiqaha iskaga dhigtay ay gacanta isgaliyaan oo ay heshiiyaan, halkaasna ay ku dhamaato colaaddii.

Dawldda Peru waxay isku dayday inay joojiso dagaal dhaqameedka Takanakuy laakiin dadka gobolkaasi way ka horyimaadeen oo way diideen faragalinta dawladu ku sameynayso dhaqankooda oo waxay u arkeen in ay tahay mid liddi ku ah caado iyo dhaqan soo jireen ah.

Xigasho: Takanakuy – The Fighting Festival of Peru.

W/D: Mowliid Xaaji Cabdi.