Ma ogtahay in Gerigu uu u baahan yahay 5 illaa 30 daqiiqo oo hurdo ah 24-kii saac? Halka celcelis ahaan 80% uu wax cunid ku jiro.

0
170

Gerigu waa xayawaanka ugu dheer inta beriga ku nool wuxuu dhirirkiisu gaaraa ilaa 5 mitir, wuxuu awood u leeyahay in caleen ka soo goosto geedaha dhaadheer sida qumbaha , taas waxaa ka caawiya carabkiisa oo dhirirkiisu gaaro 45cm, Culeyskiisu wuxuu gaaraa 1,100 Kg.

Gerigu wuxuu ku nool yahay Afrka gaar ahaan Koonfurta iyo Bariga oo ay Soomaaliya ku jirto.

Gerigu wuxuu caloosha ilmaha ku sidaa 15 bilood, wuxuuna ku rimi karaa 5 sano marka uu gaaro.

Gerigu waa duurjoog aan xad laheyn oo isaga talaaba xudduud ka xudduud.

Gerigu marka uu dhasho culeys ahaan wuxuu gaaraa 70Kg, dhirirkiisuna waa 2 mitir.