Wax ka ogow siyaasada cusub ay dowladda soomaaliya ku wajaheyso Kenya .

0
58

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday siyaasadda ay ku wajaheyso tallaabooyinka is-daba jog joogga ah ee ay Kenya qaadeyso ee ka dhanka ah Soomaaliya.

Balse, Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay magaalada Baardheere ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay tahay kaliya inay Kenya ugu jawaabaan aamusnaan.

“Hadda siyaasadda Kenya iyo Soomaaliya iskuma dhuunduleesho. Walaaleheen xagey garruun ku dhuftaan; xagey bud ku dhuftaan; xagey dhagax ka tuuraan. Anaga aamusnaantaas ayaan doorbidnay, taas ayaana wadeynaa.” Ayuu yiri Goodax.

“Wixii ka xanaajiyayba, haddii ay xanaaqsan yihiin, illaa ay degaan waan sugeynaa. Waa inaad walaalkaa u sugtaa intuu ka soo miyirsanayo. Anaga siyaasad noocaas ah ayaan ku dhaqmeynaa”, ayuu hadalka ku daray, wasiir Goodax Barre.

Goodax ayaa sheegay Soomaaliya ay “leeyihiin Soomaali; ayna ka shaqeynayaan Soomaali” una fikirayaan dad Soomaali ah.

“Wixii intaa ka baxsan, waa inaan cagaheena ku doonanaa dhibaato. Waad la socotaan siyaasaddu marba meel bay aadeysaa”, ayuu yiri.

Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay qaaday tallaabooyin culus oo ka dhan ah Soomaaliya, balse jawaabadaha ay dowladda Soomaaliya ka bixisay ayaa aad u koobnaa.