Agaasimihii Wasaarada Warfaafinta oo xilkii laga qaaday iyo nin cusub oo la soo magacaabay.

0
79

Ilo xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta codka bulshada u sheegay in Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu xilkii ka qaaday Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Cabdi Raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala.

Xilka qaadistan waxaa ka danbeeyay madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kaasoo doonaya in dib u hubeyn lagu sameeyo maamulka guud ee Wasaarada Warfaaginta, si boorka looga jafo Warbaahinta dowladda.

Sida wararku sheegayaan, xilkaasi waxaa loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed, iyadoo Farmaajo uu doonayo in warbaahinta dowladda noqoto si lamid ah 2011kii xiligaas oo kaalin muuqata ay ka qaadatay dagaalkii shabaab Caasimada looga saaray.

Lama oga cida loo soo magacaabay Madaxa Warfaafinta ee Villa Somaliya, waxaana durba soo ifbaxay dad daneynaya in jagadaas loo dhiibo, walow aan la dooran qofka booskaas loo qaadanayo.

Madaxeyne Farmaajo ayaa todobaadkan Xafiiskiisa ugu yeeray Wasiirka Warfaafinta, Kuxigeenkiisa, Ninka xilka laga qaaday ee Al-Cadaala iyo Wariyayaal ay kamid yihiin Cabdi Casiis Afrika, Liibaan Cabdi Cali iyo Maxamed Abuukar Ma’da, wuxuuna ku tartarsiiyay iney laba jibaaraan shaqada ay Qaranka u hayaan.

Xubno kulanka ka qeybgalay oo codsaday inaan magacooda qarino, ayaa inoo sheegay in madaxweynaha uu ku canaantay shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta tiro badni iyo Tayo xumo, wuxuuna si cad u sheegay inuusan aqbali doonin in mushaarka la iska qaato oo aan Qaranka loo adeegin.

Kulankaas kadib durba waxaa Warbaahinta dowladda ka bilowday Barnaamij cusub oo loogu magac daray GUNGAAR, kaasoo looga hadlayo sida Shabaab ay u abaabulaan qaraxyada iyo dilalka ay ka geystaan Caasimada, waxaana lagu wareystay xubno shabaab ah oo mas’uul ka ahaa dhowr weerar oo Muqdisho ka dhacay.