Tuug Ku Guuleystay inuu Labo Banki Ku Dhaco Avocado uu “Bam” u Ekaysiiyey

0
24

Iyadoo ay jirto in lacagta uu xaday ninkan Israel u dhashay aaney sidaa u sii buurneyn, ayaa hadana wadada uu ku dhacay lacagta ay aheyd mid aad u yaab badan.

Tuuggan 47-jirka ah waxaa u suurtagashay inuu dhaco lacag u dhiganta 8300-dolar, oo uu ka dhacay labo banki, isagoo shaqaalaha bankiyada ku cabsi geliyey Avocado uu bambo uga dhigay, waa sida ay sheegtay shabakadda Fox News.

Sida uu website-ku sheegay tuuggan ayaa shaqaalaha banki warqad ugu qoray “Lacagta aad hayso oo dhan soo bixi oo boorsada iigu rid”, waxa uu ugu hanjabay  “Waxaan gacanteyda ku jira bambo oo si dhakhsiyo ah ayaan u soo tuurayaa haddii aadan amarkeyga fulin.”

Ninkan ayaa waxaa u suurtagashay inuu xado in ka badan $4500 (Afar kun iyo shan boqol oo dolar) oo uu ka dhaco bankiga koowaad.

Labo isbuuc wax ka yar, ayaa tuuggii mar kale soo rogaal celiyey, si uu u fuliyo dhac labaad isagoo adeegsanaya isla taktikadii hore, markan waxaa u suurtagashay inuu dhaco $3800 (Saddex kun iyo Sideed boqol dolar).

Dembi-baaryaasha ayaa waxaa u suurtagashay iney raad raacaan mobile-kii gaarka ahaa ee uu watay, waxey heleen aqoonsigiisa gaarka ah, waxaa u caddataay in horey uu ugu eedaysnaa dambiyo xatooyo ah, waxaana lagu xukumay 3-sano oo xabsi ah.