Sababta Aaney u Habbooneyn In Cajiinka La Dhadhamiyo Inta Aan La Dubin Ka Hor

0
57

Khubaro ka tirsan xarunta xakameynta cudurrada iyo ka hortaggooda (CDC), ayaa ka digaya in la cuno cajiinka cayriin inta aan la dubin ka hor.

Xaruntani waxey faafisay qoraal ay ku soo daabacday barteeda twitter-ka oo ay ku dhahayso: “Cajiinka cayriin maya dhaha!, cajiinka aan la xashay ee aan la karin waxa uu sababi karaan sumow cunto.”

CDC, waxey websitekooda ay internetka ku leeyihiin ku faahfaahiyeen digniintaa ay bixinayaan faahfaahinteeda, taas oo xoogga lagu saaray bakteeriyada ku jira cajiinka iyo sidoo kale ukunta.

Faahfaahinta waxey ku yiraahdeen: cajiinka budada laga soo shiidaa waa dalag beer ka soo go’ay oo aan laga dilin bakteeriyda “E. coli” oo ku dhalan karta, bakteeriyadaas waxey ku dhimataa markii raashinka la bisleeyo, sidaa darted; waxaa waajib ah inaan la dhadhamin inta aan la bisleyn ka hor.

Sidaas oo kale, waxaa suurtaggal ah ukunta lagu daraa ay kugu riddo cudur, waxaa ku jiri kara jeermiska loo yaqaanno Salmonella, oo dhinta marka la kariyo.

Arrinta welwelka leh ayaa ah jeermiska Salmonella dhibaatooyinka uu sababi karo waxaa ka mid ah calool majiir, calool xanuun, iyo calool furan.

Natiijadaa aan soo sheegnay inagoo wax ku dhisayna ayaa xaruntan ka hortagga cudurrada ay ka digeysaa raashinka aan la Karin ee la cuno ama carrabka la sooro ee la dhadhamiyo.

Xaruntani CDC waxey intaa sii raacineysaa: “Ha cunin ama ha dhadhamin cajiin kasta ama laran kasta oo loogu talogalay in buskut laga sameeyo, inta aan la bislen ka hor.”