Nin ka tirsanaa Al-shabaab oo iska dhiibay Kismaayo

0
19

Nin ka mid ahaa dhaq dhaqaaqa AL-shbaaab sida uu sheegay ayey Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku soo bandhigeen Magaalada Kismaayo

Ibraahim Lujeende Maxamed, ayaa sheegay in uu ka soo baxsaday AL-shabaab, isaga oo baxsanaya xabado lagu furay.

Waxaa uu sheegay in uu 10 sano ka mid ahaa AL-shabaab isaga oo ku dagaallami jiray Qori AK47 ah sida uu sheegay Ibraahim.

Ibraahim oo uu af Soomaaliga ku adagyahay ayaa sheegay in markii uu soo baxsanayay uu galay howdka kaddibna xilli habeen ah lugeeyay sidaasna ku tagay Baarsanguuni oo uu iska dhiibay.

Maxamed Beddel Xasan Taliyaha guutada 11aad qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka, ayaa sheegay in Ninkaasi Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka,xogahana u uririn jiray.

Waxa kale oo uu sheegay in Ibraahim ka qeybqaatay dagaalkii Al-shabaab ay ku qaadeen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.