Puntland oo amartay in dadka reer miyiga ah laga saaro meelaha biya mareenka ah.

0
25

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Kormeeray Waddada Laamiga ee xiriirisa gobollada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo deegaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da’ay Puntland, laamiga go’ay iyo burburka soo gaadhay waddada waxa ay xanibtey isku socodka Garoowe iyo Boosaaso.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa markuu kormeerkiisa dhammaystay waxa uu ka hadlay waxyeelada Waddooyinka soo gaaray, waxaa uu sheegay in daadadka roobku keeneen bur-bur xoogleh oo soo gaaray waddooyinka hal bowlaha ah, kuwaas oo xukuumaddu u xilsaartay guddi qiimayn ku samayn doona waxyeelada guud ee ka soo gaartay dadka, Xoolaha, Deegaanka iyo Waddooyinka.