Shanta cunto ee mustaqbalka

0
58

Haddii aad dooneyso inaad caafimaad qabto isla-markaana koonka aad badbaadiso maxay yihiin cunnooyinka ugu wanaagsan inaad quudato?

Moringa- Soomaalidu waxay u taqaannaa Wama wuxuu intiisa badan ka baxaa jiinka wabiyada balse wuxuu ka bixi karaa meel kasta oo lagu bero.

Caalamka aan ku noolnahay cunnooyinka laga isticmaalo waxay u badan yihiin cuntooyin kooban oo inta badan seddex qaybood ka kooban sida (bariiska, galleeyda iyo qamadiga) oo laga helo 60% tamar qof kasta oo isticmaalo.

Dadka inta badan waxay ahmiyadda siiyaan waxa ay cunaan balse muhiimad badan ma siiyaan cuntooyinka Fiitaaminnaa iyo Macdanta ay ka helaan.

  • Haddaba warbixin cusub ayaa soo saartay liiska 50 cunto o wanaagsan iyada oo ka sii dhex saartay “cunnooyinka mustaqbalka” u wanaagsan caafimaadka qofka.

Moringa (Wama)

Geedka Moringa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay “geed mucjiso ah” waana geed si degdeg ah u baxa isla-markaana abaarta wax saameyn ah ay u geeysanin, asal ahaanna geedkaasi wuxuu ka soo jeedaa Koonfurta Qaaradda Aasiya halkaasoo dawo ahaan looga isticmaalo.

Caleenta geedka Moringa maadaamaa ay aad u baxdo waxaa sanadki la jari karaa ilaa iyo 7 jeer wauxuuna geedku leeyahay Fitaamin A iyo Fitamin B iyo Macdinta ay ka midka tahay kaalshiyam iyo botaasiyam.

Waddamada Filibbiin iyo Induniisiya waxaa si weyn looga isticmaalaa miraha geedkaasi iyaga oo suugo ahaan halkaasi looga korsado, maadaamaa uu miraha Moringaha hodan uu ku yahay Oleic acid oo lalal xidhiidhiyo inuu aad ugu wanaagsan yahay hoos u dhigidda subagga jirka ku jira.

Caleenta marka la shiidana waxaa laga sameeysan karaan suugo cunto ahaan loo cuno, maraq la cabbo iyo shaaha oo lagu darsado.

  • Priya Tew, oo ku takhasustay cilmi baarista cunnooyinka isla-markaana afhayeen u ah wakaaladda baaritaannada ku sameeyso cunnooyinka uu fahdigeedu yahay Britain waxay sheegtay “Cuntada ugu wanaagsan ee ay qoyskooda isticmaalaan loogana jecel yahay inta ay Sirilanka joogtay waa geedka Moringaha wuxuuna si weyn uu adkeeyey ilkaha wuxuuna baab’iyaa suuska ilkaha.”

Wakame

Wakaame- waa caleen si weyn looga beerto qaaradda Aasiya waana cunta si weyn looga isticmaalo.

Caleenta waa Kaame waxaa qarniyo aad u badan soo beeranayey beeraleyda badaha wax ka beerta iyaga oo cunna ahaan u isticmaala.

Balse wakhti xaadirka caleenta Wakaama marka waxtarkeeda la fahmay waxaa si weyn u beerta beeraleyda Faransiiska. New Zealand iyo Argentina. Goob kastana waa lagu beeri karaa iyada oo aan dawo iyo bacramin loo isticmaalin waxaana lagu engajiyaa ceedceedda.

  • Caleenta Wakama marka la qalajiyo ayaa cuntooyinka lagu darsadaa, waxayna caleentan ka mid tahay caleemaha cunna ahaan loo isticmaalo oo laga helo eicosapentaenoic acid.

“Caleenta Wakama oo la engajiyo waxaa laga helaa Iodine iyo Omega 3, gaar ahaanna dadka aan dheefta xoolaha inta badan isticmaalin ayuu waxtar aad u weyn uu u leyaahay. Waxaana si weyn looga isticmaalaa Hong Kong” ayey tiri Priya Tew. Waxayna sida oo kale ka digtay inaan wax badan laga isticmaalin oo aan la isku badin maadaamaa maaddada Iodine ay aad ugu badan tahay.