Ragga oo Kaliya: Daraasad Cusub oo Ka Hadashay Da’da Ugu Habboon ee Caruurta Lagu Dhalo

0
42

Daraasad cusub oo dhawaan ay sameysay jaamacadda Rutgers University oo ah jaamacad dowladeed oo dhanka cilmi-baarisyada xoogga saarta, ayaa daahrogtay in ragga ay waajib ku tahay iney caruur dhalaan 35-jirkooda ka hor, si ay uga dheeraadaan khatarta ah iney dhibaato u geystaan caafimaadka xaasaskooda iyo caruurtooda.

Cilmi-baarayaashu waxey ogaadeen in raggu ay dumarka la mid yihiin oo ay jirto saacad biologic ah oo waqtiyeysan oo ay wanaagsan tahay iney caruur dhalaan.

Kadib markii ay 40-sano oo xiriir ah wadeen daraasaddan, ayaa waxey soo saaraan natiijada ah in ragga da’doodu ka weyn tahay 45-sano ay yaraanto tayada bacramintooda dumarka oo hoos u dhacda, arrintaas oo dhankeeda keenaysa in xaaskooda ay ku dhacdo khatarta dhiigkarka la xiriira uurka, cudurka sonkorowga iyo dhalmada xilligeeda ka horreysa.

Sidaas oo kale waxaa caddaatay in caruurta aabayaashood ay weyn yihiin ay ku badan tahay khatarta iney dhashaan waqtigooda ka hor amaba ay riximka hooyadood ku geeriyoodaan, ku darso; xaaladooda caafimaad ee guud oo liidata, miisaankooda oo hoos u dhaca, mashaakil dhanka wadnaha la xiriira oo ay u nugul yihiin iyo ceebo dhanka dhalanrogga jirkooda ah, kansarka caruurta iyo cudurka Autismka oo ku badan.

Cilmi-baarayaashu waxey aaminsan yihiin in sababta saameyntan taban ee aan wanaagsaneyn u keensaa ay tahay hoos u dhac ku yimaadda hormoonka Testosteronum oo marka cimriga qofka uu kordho yaraada, arrintaas oo tusaale u ah in uurka xilli hore ee uu aabuhu uu waqti hore caruurta dhalo ay yareyso  khatarta caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.

Haweenaydii daraasaddan diyaariyay oo la yiraahdo Gloria Bachmann oo ka tirsan mac’hadka caafimaadka dumarka ee “Rutgers Robert Wood Johnson Medical School“: “Waxaan ognahay in isbedellada Physiologicalka ee ku dhaca dumarka marka ay gaaraan 35-jirka, ay dhici karto iney saameyso uurka hooyada iyo caafimaadka dhallaanka yar, laakiin halkan rag badan kuma baraarugsana in marka ay weynaadaan ay yeelan karaan saameyn la halmaal ah, tan dumarka oo kale.

Tiknoloojiyadan horumarsan ayaa suurtaggal ka dhigaysa in saynisyahannadu ay baaraan sababaha keena Side-effect iyo mashaakilka caafimaad ee uur-ku-jirta, ilmaha la nuujinayo iyo hooyooyinka, halkan waxey u muuqataa in da’da aabaha ay kaalin muhiim ah ka ciyaarto.

Daraasaddan waxaa sidoo kale lagu ogaaday in ragga da’da weyn ay la dhibaatoonayaan mashaakil dhanka bacraminta ah, xitaa haddii xaasaskoodu ay ka yihiin 25-jir.