Ma dooneysaa inaad imtixaanaadka guul ka gaadho?

0
61

Ma la kulantaa imtixaanaad isdaba joog ah ? haddaba waxaad u baahan tahay inaad raacdo habka ugu wanaagsan ee aad guul uga gaari kartid.

Inaad wixi aad soo baratay oo aad muraajaco ku sameyso wey adag tahay iyada oo mararka qaar ay dhacdo inuu qofku uu garan waayo halka uu ka bilaabayo.

Haddaba si aad kor ugu qaaddo awoodda xifdiga aad u leedahay waxaan si weyn wax uga beddeli kartaa niyadda aad ku akhrisaneysid, wixi aad akhrisatay sida aad u xusuusaneysid iyo habka aad u akhrisaneysid intaba.

Waxaa meel la isugu keenay khubaro daraasaadka badan arrimahan ku sameeysay takhasuskoodana uu isugu jiro saaynisyahannada dhinaca Neerfaha, Cilmu nafsiga iyo Khubarada cunnooyinka ku takhasusay.

waxaa sida oo kale kooxda khubarada ah ee meesha la isugu keenay ka mid ahaa macallimiin jaamacadeed iyo arday waxayna soo jeediyeen talooyin dhawr ah oo waxtar u leh ardayga.

Haddaba qodobbada ay khubarada soo jeediyeen kuwooda ugu muhiimsan hoos ka akhriso.

1. Qureecda iyo cunnooyinka maskaxda

Jidhkeenna si waajibaadkiisa uu sidi la rabay uu ugu guto waxaa loo baahan yahay in ahmiyadda la saaro cuntooyinka nafaqada leh ee dabiiciga ah.

Daraasadda ayaa waxay tilmaameysaa dadka gaar ahaanna ardayda cunnooyinka wanaagsan ku qureecdo iney ku wanaagsan yihiin xagga imtixaanaadka maadaamaa ay qureecda awood u siineyso inuu xusuusto wixi uu soo akhriyo xilliga uu imtixaanka iisu diyaarinayey.

Sidaa darteed,waa inaad maalinka aad ku billaabataa cunnooyinka tamarta laga helo cunnooyinkaasi oo ay ka mid yihiin boorashka, rootiga nafaqada leh oo ay sokor ku jirin ama ay ku yartahay.

Sida oo kalana cunnooyinka borotiinka laga helo sida caanaha, caanaha garoorka iyo ukunta.

Cunnooyinka kale ee awoodda xifdinta maskaxda sare u qaado waxaa ka mid ah: Ukunta, kalluunka iyo saliiddiisa, hadhuudhka, koostada, kaabajka, xabuubka, avocado iyo khudaarta cagaaran ee kale.

Cunnooyinkana waxay ku sii wanaagsan yihiin iney marwalba isku dheella tirnaadaan xilliga ku habboonna uu qaataa.

2. Akhriska horey u billoow…

Imtixaanka wakhtigiisa inta aan la gaarin waa inuu qofka uu akhriska billaabo si uu qofka uu cadaadiska soo foodsaari lahaa marka uu imtixaanka soo dhawaado.

Waxaana aad u sii wanaagsan ayey daraasaddu leedahay inuu qofka akhrisanaya marka uu dhammeeyo waxa uu akhrisanayo inuu wakhti muraajaca uu sameysto ka hor inta uu imtixaanka gelin.

3. Wixi ahmiyadda u baahan ahmiyadda sii…

Imtixaanka ayaa wuxuu u kala baxaa seddex nooc oo kala ah: mid qoraal ah, mid ficil ah iyo mid afka lagaa weydiinayo.

  • Marka qofka akhrisanaya waa inuu ogaadaa habka uu ugu diyaar garoobayo nooca imtixaanka ee sugaya. Sida oo kalana qofka imtixaanka galaya waa inuu ku tala galaa qaabka uu imtixaanka u imanaya inuu yahay qor, dooro, sharrax, iwm…